Tuesday, September 30, 2014

War deg deg ah: Taliyiihii Bilayska Arabsiyo oo u Dhintay dhaawac loo geystay

breaking-400x216Hargeysa(GNA)-Taliyihii Saldhiga Bilayska ee Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali, ayaa goor dhowayd u Geeriyooday Dhaawac culus oo saaka ka soo gaadhay Tacshiirad uu ku furay Askari ka tirsan Bilayska Degmadaas, isagoo ku sugan Taliska Qaybta ee Magaalada Gabiley.

Rasaasta ayaa Marxuumka dhintay kaga dhacday Caloosha, iyadoo sida ay Saraakiisha Ciidanku caddeeyay Mindhicirada jartartay, waxaana lagu sameeyay Qaliin deg deg ah.

Sarkaalka ayaa lagu qalay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu ku geeriyooday.

Mid ka mid ah Ehelada Marxuumka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu dhintay goor aan sidaas u fogayn.

Dil fool-xun

Dilka Sarkaalkan ayaa ah mid xaasaasiya, waxaanay kaga duwantahay dhacdadani kuwii hore ee bishan gudaheeda dhacay, waxa uu ka soo jeedda Marxuumku Magaalada Buuhoodle oo qadiyad siyaasaddeed oo kale u dhaxayso Somaliland.

Waxa ay abuuraysaa dareen abuuri kara colaad ehli ah, hadaanay dawladdu talaabo deg deg ah oo lagaga hortegayo dhibaato arrintan salka ku haysa, taasoo saameysa Ciidanka iyo Bulshada caadiga ah.

Askarigii Dilka geystay ayaa la sheegay inay Ciidanku gacanta ku hayaan, sidaasi darteed waxa muhiim ah in arrintan xal deg deg ah laga gaadho.