Tuesday, September 30, 2014

Taliyihii Saldhiga Arabsiyo oo Toogasho lagu dhaawacay

Gabiley(GNA)-Taliyihii Saldhiga Bilayska Arabsiyo ayaa toogasho lagu dhaawacay gelinkii hore ee Salaasada Maanta.

Cabdi-case Ismaaciil Xaaji Cali, ayaa waxa toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Bilayska ee uu Taliyaha u ahaa, isagoo ku sugan taliska qaybta ee Magaalada Gabiley.

Sarkaalkan ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay Caloosha oo uu Tacshiirad ka mariyay Ninka toogashada fuliyay.

Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askariga Dilka geystay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa Gobanimonews u sheegay inuu xidhanyahay Askariga falka geystay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ka waramay xaalada Caafimaad ee Sarkaalka la dhaawacay , ayaa sheegay inuu ka soo reynayo oo qaliin deg deg ah lagu sameeyay.

“Qaliin ayaa lagu sameeyay, wuu ladanyahay Koomo ayuu ku jiraa, laakiinse xaaladiisu way ka soo reynaysaa” ayuu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Ehelada Sarkaalka dhaawacmay.

Falkan ayaa noqonaya kii labaad ee Sarkaal ciidan lagula kaco bishan gudaheeda, waxaana dhawaan toogasho uu askari Milateri ah ku dilay laba sarkaal oo ciidanka ,Milateriga ka tirsan deegaanka Maygaagle ee Gobolka Buuhoodle.

Dilka labadaas Sarkaal oo isku goob lagu toogtay, waxay abuurtay xaasaasiyad maxali ah iyo Kacdoon shacbi.

Askarigii Dilkaasi geystay ayaa baxsaday oo aan wali gacanta lagu soo dhigin.