Monday, September 29, 2014

Somaliland: Diwaan-gelin Fool eri ah.warbixin

Warbaahinta Dawladda oo ku keliyeysatay Wacyi-gelinta diwaan-gelinta iyo dareenka Dadweynaha war moogta ah.,warbixin

KAADHKA-KOOWAAD-EE-DIIWAANGELINTA-MADANIGA-AH-OO-SIILAANYO-QAATAY-300x220Hargeysa(Aftahannews):- Diwaangelinta Madaniga ah ee dadweynaha reer Somaliland, ayaa bilaabantay toddobaadkii hore, waxaana degmooyinka Hargeysa la geeyay shaqaale diwaangeliya dadweynaha oo si habaqle ah shaqada u bilaabay.

WARAN-CADDE, QALABKA DIIWAANGELINTA IYO MADAXWEYNE SIILAANYO

Diwaangelinta Madaniga ah, ayaa waxa markiiba lagu bilaabay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirrada xukuumadda qaarkood oo la socday Madaxwaynaha, waxayna dhammaantood halkaasi ka sheegeen muhiimadda qaadashada kaadhka diwaangelinta Madaniga ah, si loo kala garan karo muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan. Laakiin diwaangelinta Madaniga ah waxay durba waajahdey caqabadihii u horeeyay ee ka hor yimaadda, waxaana durba habka loo maamulayo ka biyo diiday shaqaalihii loo diray dwiaangelinta dadweynaha iyo weliba Madax-dhaqameedkii la shaqeyanayey oo qawaday lacagtii loo qoondeeyay oo aad uga yar qadarkii hore loogula heshiiyay.

“waxa markii hore naloo qoondeeyey qofkiiba Konton dollar maalintii, iminkana waxay leeyihiin Toban dollar qaata”.ayuu yidhi Mid ka mid howl-wadeenada Diwaan-gelinta fulinaya oo GNA la hadlay.

Cabashada Shaqaalaha Iyo Madax-dhaqameedka:

Sida uu maanta daabacay wargeyska Somalilandtoday, Shaqaalaha diwaangelinta iyo Madax-dhaqameedkii ka caawinayey dadka la diwaangelinayo, ayaa doraad cabasho la hor-tagey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa, waxayna qaarkood halkaasi geeyeen qalabkii diwaangelinta lagu samaynayey, ka dib markii sida la sheegay dhalinyarada diwaangelinaysa dadweynaha lacagtii loo ballan-qaadey inay maalintii ku shaqeynayaan badh laga dhimay.

Halka Madax-dhaqameedkuna saxaaafadda u sheegeen in lagu war-geliyey inay maalintii oo dhan ku shaqeynayaan $ 3 doollar qudha, taasi oo ku sheegeen waxaan suurto-gal ahayn, maadaama oo ay shaqada diwaangelinta u taagnaanayaan lix ilaa lix “Lacagtii lagu shaqeynayey waxa goosatay wasaaradda arrimaha gudaha, ee annagu maanaan joojin diwaangelinta Madaniga ah” sidaa waxa saxaafadda u sheegay Caaqil Siciid Cabdi Jaamac.

Wacyi-gelinta Dadweynaha:

Diwaangelinta Madaniga ah oo la bilaabay, iyada oo la ansixin xeerkii lagu maamulayey oo ilaa hadda hor-yaalla Mudanayasha Golaha Wakiilada, ayaaney dadweynuhu ku wacyi-gashanayn, laakiin wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland si kedis ah u bilowday, iyada oo ku sheegaysa inay tijaabo tahay, laakiin u muuqata in si rasmiya loo bilaabay “Diwaangelinta Madaniga ah waa tijaabo, waxayna u bilaabmi doontaa si rasmiya” ayuu yidhi, wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayey bilowgii diwaangelinta, waxaanu intaasi ku daray “Wakhti badan baynu haysannaa”.

Laakiin, wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiirrada kale ee bilowga diwaangelinta ee ka hadlay muhiimadda diwaangelintu marna kama hadal, mana soo qaadin wacyi-gelinta dadweynuhu u baahan yihiin in loo sameeyo diwaangelinta, Maadaama oo diwaangelinta la bilaabay wakhti dadweynuhu ku mashquulsanaayeen khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddeeda.

Dadweynaha reer Somaliland, siiba kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa ku jahawareersan qaabka laysu diwaan-gelinayo “halkeebaa layska diwaan-gelinayaa?, maanaa maqlayba”. Ayuu yidhi mid ka mida Bulshada reer Hargeysa oo Gobanimonews la hadlay.

Tani waxay muujinaysaa heerka xogogaalnimo ee shacbigu ka haystaan howsha bilaabantay. Inkasta oo wasaaradda warfaafinta Somaliland ay idaacadda Radio Hargeysa ka bilowday barnaamijyo ka hadlaya arrintaasi.

warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha guduhu ay dhaqaalihii loo qorsheeyay wacyi-gelinta ee loogu talo-galay saxaafadda Madaxa-banaan si qaldan u adeegsatay, isla-markaana aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay saxaafadda u qorsheysay, si bulshada looga caawiyo inay fahmaan qaabka diwaan-gelinta.

Faham la’aanta Diwaan-gelinta

“anigu isma diwaan-gelinayo, waayo ma garanayo ujeedo laga leeyahay diwaan-gelintan” ayuu yidhi Saleeban oo ka mid ah dadka reer Hargeysa ee aan wax macluumaad ah ka haysan diwaan-gelintan.

Dadka qaar ayaa aaminsan inay diwaan-gelintu caqabad ku keenayso mustaqbalkooda, maadaama qalabka loo adeegsanayaa uu yahay server isha lagaga sawirayo qofka “hadii isha Layga sawiro waxa laygu yidhi Dibada uma dhoofi karo, markaa taas ayaan u diiday inaan isdiwaaan-geliyo” ayuu yidhi muwaadin kale oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan diwaan-gelintu.

Dhamaan arrimahan oo dhami waa kuwo u baahan in shacbiga laga jaahil saaro, iyadoo la adeegsanayo xeeladdo caam ah oo dadka warka lagu gaadhsiinayo, si ay faham uga helaan waxa looga danleeyahay diwaan-gelintan Fool-eriga ah, isla markaana hadii ay anfacayso ay goobaha loogu sameynayo isaga xaadiriyaan wakhti ku haboon.

Saleban Cabdi Cali

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com