Wednesday, September 24, 2014

Cali Guray Oo Si Ba’an U Weeraray Boqor Cismaan Buur Madow

download (1)(GNA)Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag u weeraray duubka madax dhaqameednimo ee boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madow) oo indhawayd ku dhex milmay saaxada siyaasadeed ee wakhtigan.

 

Cismaan buur madow oo maalmihii u dambeeyay qaadaa dhiogaysay saxaafadu hadaladiis isagoo mucaaridku ay dhibsadeen waraysiyo difac u muuqda oo uu ugu xaglinayay garabka xisbul xaakimka isla markaana uu ku weerarayo qaar kamid ah beelaha birmageydada ah ee darafyada gaar ahaan gobolka Awdal ayaa Mujaahid Cali Guray ugu jawaabay qoraal kooban oo nuxurkiisu naqdinayo magaca iyo mansabka cumaamadeed ee boqor Buur madow.

 

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu uu qoraalkiisa oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ugu magac bixiyay cinwaan nuxurkiisu yahay KEE BOQOR AH MA BEEN MADOW.?. waxaana qoraalka Cali guray u dhignaa sidan “ Waar waa qofka keliya een arkay ee ku faana waxan ahay JAAJUUS. Markuu asturayo wuxu ku odhanaya kuwaana nabadsuggidooda waan la shaqeeyaa kuwan kalena waan la shaqeeyaa. Oo saw kuwii kalena lama shaqaysid faro badanidee marka la yidhaa ayuu qosol u dhacaa oo xagiisa waaba ka amaan.Waar Cali dhegeyso imisaan la shaqeeya?, waar cid aanan la shaqaynini ma jirto. Waa basaas cid walba u basaasa cid wal uu u basaasona wuu basaasaa oo cid buu u basaasaa.

 

Ninkan dadka af legaadaynayaa budhcadnimo halka uu ka gaadhay waa la og yahay oo waa tuug xadhko goys ah. Madaxwayne Silanyo wixii uu odhan lahaa horuu u yidhi oo wax uu u reebay may jirin. Watii la xidhay hadana la soo dayay ilaa intii la soo daayay waxa lagu hayaa laaluush iyo baqe uu is leeyahay mar kale ayaa lagu xidhi. Waan u digaya badaha UCID haduu mar kale sida diqsiga daf soo yidhaa WAA SIBITOORE ha ogaado nejiska xumi” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa Cali guray.

 

Sida laga warqabo tiraba saddex jeer oo boqor Cismaan uu waraysi siiyay warbaahinta muxaliga ah ee dalka waxa uu si aan gabasho lahayn oo waliba beelaysan u garab istaagay siyaasada hogaamineed ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxuud Siilaanyo isaga oo doorashadii codka aqlabiyada ah ee shacbigu boqlkiiba Konton ay kursiga ku saareen ka dhigay hal bacaad lagu lisay,madaxweynana uu u yahay tolkiisa oo keliya iyaguna beel ahaan ay gar iyo gardaraba heegan ugu jiraan difaaciisa.

 

Dhinaca kalena dadka siyaasada odoroosa waxa ay hadalka boqor buur madow ku tilmaameen Cirro baaqatay isaga oo xilkii iyi cumaamadii dhaqameed ka door biday shaqadii afhayeenka.

 

Xigasho---Hubaal