Tuesday, September 30, 2014

ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland oo Looyar isaga noqday Maxkamadda

Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaHargaysa (GNA): Wasiiru dawlihii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa Axadii shalay markii afraad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodijeex, halkaasoo ay kaga socoto dacwad ka dhan ah oo ay dawladdu dhibane ka tahay.

Ammaanka Maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay markii sarkaalka la keenay, iyadoo ay dhegeysiga dacwada ka qayb-galeen dad kooban oo eheladiisa ka mid ah.

Eedaha loo haysto ee ay dacwaddiisu la xidhiidho ayaa waxa ka mid ah in uu wasiiro xukuumadda ka tirsan ku eedeeyay in ay ka tirsan yihii ururka Al-shabaab iyo sidoo kale musuq-maasuq baahsan iyo maamul xumo uu sheegay in ay ka dhex jirto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Cabdilaahi Abokor ayaa la sheegay inuu shalay iska difaacay Eeddaha loo jeediyay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad xogogaal u ah dacwadiisu.

Dhinaca kale, wararka aanu ka helnay fadhiga dacwadan ayaa intaas ku daray inuu isagu qareen isu noqday oo aanay jirin cid maxkamadda ka difaacaysaa.

Dacwada Masuulkan hore waxa Garsoore ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Faysal Dhago-dhago oo ah Garsoore inta badan dacwadaha dawladdu wadato ka gar-naqo.

Markii ay soo xidhantay dhegeysigii shalay waxa uu sheegay in fadhi dambe laysugu iman doono, manuuna shaacin goor la soo gabagabeyn doono Dacwada.

Dhinaca kale eheladda C/laahi Abokor ayaa ka dayriyay siidayntiisa, taasi oo ay sheegeen in aanay si fudud ku iman Karin ama lagu sii dayn kari, maadaama oo sida ay ku doodeen xukuumaddu ay maamulayso dacwadoosa, isla markaana ay wado qorshe ah in aan la sii dayn.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com