Tuesday, September 30, 2014

Qiimaha Sibidhka oo cirka isku shareeray Muqdisho

shamiitoQiimaha Sibirka Guryaha lagu dhiso ayaa cirka isku shareeray Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, kaddib markii ay aad u yaraatay Shamiitadii Magaalada taalay.

Arrintan ayaa saamaysay Dhismeyaasha cusub ee Magaalada, oo hakad galay tan iyo markii uu Sibirku qaali-garoobay.

Dadka ka shaqeeya dhismaha ayaa sheegay inay joogsadeen Dhismeyaashii cusbaa ee Magaalada ka socday, kaddib markii shamiito jaban la waayay.

Qiimaha Kiishka Shamiitada ah ayaa gaarey $20, halka uu markii hore ka ahaa $7 oo qudha.

Waxa la sheegay inay dhexda ku soo jiraan Maraakiib sida Sibir oo ku soo jeeda Dekedda Magaalada Muqdisho.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com