Tuesday, September 30, 2014

“Dadkayagu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta oo ku soo xad gudubta” Siilaanyo.




mmHargeysa(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Naqdiyey Qudbadii Madaxweynaha Somaliya uu ka Jeediyey Shirkii Qaramadamidoobay ee dhawaan ka Qabsoomay Dalka Maraykanka waxanu sheegay madaxweyne Siilaanyo in Somaliland tahay Dal Madaxbanaan oo shacabkiisu Goostay in uu gooni u taagnado waxanu Hadalada Xassan sheikh Somaliya ka soo yeedhay ku tilmaamay qaar gaf ku ah Somaliland.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu maanta ka Qaybgalay Munaasibad ay ku qalinjabinayeen 793 Arday kuwaasi oo ka qalinjabiyey Kuliyado kala duwan.

Waxanu yidhi.  “Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran Madaxbanaan, dadkiisuna tashaday, waxay rabitaankooda ku dhisteen oo ay ku meel marsadeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan(97%), Midnimada Somalia waa tii fashilantay, diyaarna u ma nihin, dadkayagu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta oo ku soo xad gudubta Xuudka Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxay Dawladda Somalia u muuqataa inaanay ixtiraamayn wixii aynu ku heshiinay, kana warwareegayso Miiska wada hadalada, waxaanu ugu baaqaynaa Miiska wada hadalada, si aynu u kala baxno, Beesha caalamka waxaanu uga baahanahay inay garowsadaan xaqiiqada Somaliland ka jirta oo ay caawiyaan Dimiquraadiyadda iyo Horumarka ka hanaqaaday dalkan, Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda ilaashadaan oo meel uga soo wada jeestaan”

Mustafe Axmed(Herer).

Gobanimonews.com/office.

Hargaysa/Somaliland