Monday, September 29, 2014

Roobab laxaadle oo ka da’ay Deegaamo Buuhoodle ka tirsan oo abaar ba’ani ka jirtay

BuuhoodleleBuuhoodle(GNA)Roobabka Dayrta ayaa ka curtay Deegaamada Gobolka Buuhoodle oo ay abaar ba’ani ka taagnayd bilihii u dambeeyay.

Roobka ayaa ka curtay Axadii deegaamo dhinaca Koonfurta, Galbeed iyo Bariga kaga beegan Magaalada Buuhoodle, laakiinse gudaha Magaalada waxa helay Roob tumay ah oo aan baaxadiisu waynyn.

Wariye ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in baaxad roobku heshay deegaamada howdka ee Xadka ka talowsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin qudha-dhalaan, Xadhadhanka, Bur-buris, Coodanle, Sarar-weyne iyo deegaamo badan oo jiidaas ah.

Deegaamada Roobku ka da’ay ayaa la sheegay inay abaar ba’ani ka jirtay bilihii la soo dhaafay, kaddib markii dhulku xaalufay,iyadoo ay Xoolaha nool soo foodsaartay cunto yaraan.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay roobka “ isgaadhsiinta deegaamada badankoodu way go’antahay, laakiinse roobku waa mid si caadiya u da’aya, markaa ilaa hada warka aan haynaa khasaare lama soo sheegin” ayuu yidhi Wariye Najiib Cabdi wali Xiis oo ku sugan magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale, deegaamada Koonfurta iyo Galbeedka Togdheer, oo dhawaanahanba laga soo sheegayay roob la’aan, ayaanay wali ka curan raxmadu,waxaana ka mid ah deegaamada Kaliishu ku raagtay Degmada Duruqsi iyo degmooyinka ay isku jiida yihiin.

Suldaan Maxamed Aadan (Afdur-dur), oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Degmada Duruqsi ayaa sheegay inay soo foodsaartay Biyo yaraan iyo abaar isbarkan oo saameyn ku yeeshay xoolaha nool.

“ Kulayl badan ayaa jira, dhulkuna waa abaar biyo yaraani way jirtaa” ayuu u sheegay Wariyeyaasha Gobanimonews.

Dayrta ayaa bishii hore si wanaagsan uga curatay Gobollada Galbeedka Somaliland iyo meelo ka mida gobollada Bariga siiba dhinaca Nugaasha iyo gubanka Saraar.