Wednesday, September 24, 2014

Qubuuraha ! – W/Q: A.A.Carab

quburahaShareecada Islaamku waxay ina fartay inaynu Siyaaranno Xabaalaha, sida ka sugnaatay Nebigeenna Muxamed (CS), taas oo micnaheegu yahay in lagu cibro qaato, loona xasuusto macaan gooyaha (Geerida). Qof kastaana xasuusto inuu gali doono meel aan dib looga soo noqonayn, lana kulmi doono saddexda dunida loogu neceb yahay oo ah MUGDI, CIDLO Iyo CIDHIIDHI, taas oo badalkeegu yahay inaynu qaadanno amarka ALLE, kuna qaadano dariiqii rasuulka (scw) si aynu u helo raaligalinta ALLE, uguna sahay qaadano iilka iyo maalinta Qiyaame ee la qaawanyahay ee la qatanyahay Macnaha ku jira Siyaarta xabaaluhu waa in aadamaha oo illow badani aanu illoobin geerida sugeysa, isla-markaana aanu adduunyadan dhamaaneysa kaga mashquulin xasuusta iyo xuska Eebe. Booqashada Qubuuraha iyo soo salaamidda Asxaabul qubuurku, sida la innoo sheegay quluubta ayay qoysaa oo tustaa xaqiiqada iyo inaan nolosha adduunyadu kaafi ahayn ee ay dhamaaneyso. Intaasi ka dib, waxaan booqday Xabaalaha deegaanka Xeedho ee Waqooyi-galbeed ee Magaalada Hargeysa, waxaanan ka qayb-galay aaska Allaah ha u naxariistee, Marxuumad, Xabiiba Jaamac Aaden, oo Ayeey u ahayd Saleebaan Cabdi Cali oo ah nin aanu wada shaqeynno, saaxiibbana nahay. Marxuumaddu waxay geeriyootay (24/09/2014) oo ku beegnayd habeen ay Maalin Arbaca ahi soo galeysay abbaaro 2:30 habeennimo. Laakiin waxaanu xabaalaha tagney salaaddii Subax oo lagu jiro. Tukashada Salaaddii Subax ka dib, waxa halkii aanu Xabaasha ka qodeynay noo calamaadiyey nin da’ dhexaad ah oo Waashmaan (Ilaaliye) ka ah Xabaalahaasi, waxaanuna bilowney qodidda Xabaashii Marxuumad, Ayeeyo Xabiiba Jaamac Aaden Aaden. Alle (SW) wuu noo fududeeyay oo ilaa sagaalkiiba waanu dhamayney, laakiin intii lagu guda jiray hawsha qodidda (Foqista) Xabaashaasi mar kasta oo aan Xabaalaha kale eegaba waxaan arkayey Lambarro loo sameeyay Xabaal kasta oo halkaasi ku taalla. Iguma Cusbeyn Xabaalaha Xeedho oo dhowr jeer oo horeba waan tagey, hasa-yeeshee waxa Cibro ii noqday sida Lambarrada loo sameeyay Xabaaluhu ay maalin walba u kordhayaan tiro ahaan. Waayo dhulka xabaaluhu ku yaallaan waxa dadka lagu aasayey ilaa shantii sanadood u dambeeyay, haddana qofkii u dambeeyay ee aan aaskiisa ka qayb-galay waxa xabaashiisa lagu dul taagey Lambarka 4,596, taasi oo macnaheedu yahay in Marxuumkaasi yahay qofkii 4,596-aad ee lagu aaso Xabaalaha Xeedho. Waa Xeedho oo kaliya Xabaalaha aynu ka hadleynno tirada dadka lagu aasey mudadaa aynu kor ku sheegnay, laakiin kuma jiraan Xabaalaha Naasa-hablood, Boqol Jire,Masalaha iyo kuwo kale ee koonayaasha (Darafyada) Hargeysa ku yaalla. Markaa waxaynu halkaa ka qaadan karnaa oo Cibro inoogu wada filan sida dadku u baxayaan iyo sida aynu u moogan nahay Geerida. Alle Xaqa Ha Inna Waafajiyo Cabdiqaadir Aaden Carab Email: Horseed001@gmail.com