Wednesday, September 24, 2014

Waligay Guursan Maayo!Qore: Xamze Siciid Kuuriya

xamseCidna lamay hadlayn oo afkaa juuqda gabay waxay ahayd indho iyo jidh nafi ku jirto oo dhaqdhaqaaq samaynaya laakiin aan bixinayn wax jawaab ah baska waxa ka dhex socday kaftan iyo sheekooyin laakiin iyadu intaas midna kumay darsan hal kalmad ah, mid ka mid ah dhalinyaradii ayaa isku dayay inuu la hadlo oo uu waydiiyo bal waxa ku dhacay inantan laakiin way ka dhaga adaygtay hase ahaatee kamuu daynin su’aashii ahayd " walaal maxaa kugu dhacay ee aad la aamusantahay?"

Iyadoo is ciil kaambiyaysa ayay ugu jawaabtay " maxaad iga rabtaa waxba hay waydiinin Ragga waan necbahaye"

Inankii oo yaaban ayaa ugu jawaabay isagoo dhoola cadaynaya " Walaal Raggu waa gayaanka oo maalin ayaad la aqal gali nin oo aad guur u xadhko xidhan ee maxaad ku nacday"

Markay intaas maqashay ayay ilmo shagax ka soo tidhi, mar kaliya ayay indhihii isku badleen qaar qoyan wajigiina casaaday waxanay iyadoo hoos u hadlaysa oo khajilaad iyo cadho ka muuqato ku jawaabtay " Waligay guursan maayo".

Inankii ayaa markuu arkay siday inantu uga maroora dilaacday hadalkiisi iyo su’aalhiisii ayuu dib u fadhiistay oo kursigiisii si fiican ugu tiirsaday isagoo is waydiinaya su’aalo badan laakiin hadana waa uu ka adkaysan kari waayay waxa ku dhacay inantan ee sidaas oo dhan u galay kana dhigay qof cuqdad ka qaba Ragga oo dhan.

Mar kale ayuu ka soo hinqaday kursigii uu fadhiyay isagoo wali aan ka qancin hadaladii ay ku lahayd, waxa u isku dayay inuu dajiyo oo uu raali galiyo iyaduna way ka aqbashay waxanay markan ahayd qof ka dabacsan sidii hore waayo waxa uu inanku u muujiyey naxariis aad u badan.

In kasta oo uu basku ahaa rakaab oo uu meel aan fogayna ahaa istaanka uu dadka dhigaya waxa uu inankii isku dayay inuu ogaado intaanu baska ka dagin waxa inanta nacsiiyey Raggii oo dhan ee ay saska uga qabto, laakiin suurto gal may noqon oo waqtigaa hayay waxa uu waydiistay inay siiso numberkeeda waanay siisay.

Waxa la soo gaadhay halkii basku uu ku istaagayay waanay ka dageen dabeetana waxa uu u sheegay inuu la soo hadli doono markuu xaafada tago.

Markii uu ka soo laabtay suuqii ayuu wacay inantii waxaana dhex martay sheekadan:-

{Waxay inantii u sheegtay inankii in ay nin in muddo ah soo wada socdeen oo ay wadaageen xidhiidh jacayl oo fiican, inankaasi waxa uu ku maqnaa Qurbaha markii uu yimid ee uu soo doonay si fiican oo maamuus iyo milgo lehna loo siiyey waxa uu la joogay muddo kooban maadaama u fasaxa uu soo qaatay ku koobnaa mudo yar.

Run ahaantii wax aqoona umay lahayn inanta iyo reerkoodaba ninkan ay guursatay laakiin waxay u arkayeen qof gacal ah oo wanagsan.

 

Markii uu dib ugu laabtay qurbihii ee uu ku maqnaa muddo bilo ah biilkana uu u soo diri jiray ee uu si fiicana ula soo xidhiidhi jiray xaaskiisa ayaa ay habeen habeenada ka mid ah u sheegtay inay leedahay Uur run ahaantii halkii uu kaga farxi lahaa inuu ilme yar u calool galay ayaa uu ka xumaaday oo ay dareentay inuu ka xumaaday laakiin waxba may waydiin ee shaydaanka ayay iska naartay oo wax waynba kamay soo qaadin.

Habeenkii laga bilaabo wuu is badalay oo mabuu soo garaaci jirin iyana danba kamay galin ee sidii ayay iskaga daysay laakiin way ka adkaysan kari wayday oo habeen ayay garaacday nasiib darro se kamuu qabanin.

Habeenkii habeenkaas ka danbeeyey ayuu soo wacay goor saq dhexe ah oo uu ka soo garaacay telefankeeda gacanta in kasta oo ay ku jirtay hurdo aad iyo aad u wanagsan hadana markay aragtay isaga oo soo wacay farxad ayay kala badatay way qabatay salaan markii lays dhaafsaday ka dib ayuu ku yidhi “ caawa waxaan kuu soo garaacay inaan kuu sheego inaan ku furay oo ay iskugu keen danbaynayso saacada aan kula hadlayo kuuna soo dirayo waxaad xaq iyo xuquuq iigu lahayd iyo warqadaadiiba!”

 

Waxay si yar oo dagan ugu jawaabtay “waayahay” intaas markay afkeeda ka soo baxday ayuu jaray khadkii.

Waxay ka kacday huradadii waanay waysaysatay ka dibna waxay gashay salaad oo Illaahay ayay bariday waayo meel loo ciirsado xaga Alle ayaa ugu wanagsan uguna haboon oo aan lagu iilanin.

Markay dhamaysatay salaadi ayay iska sexatay iyada oo aad moodo inaan waxbaba loo soo sheegin ama aanay waxay dhibsataba arag.

 

Subaxii waagu markuu baryay ayay u gashay hooyadeed si ay ugu sheegto arinka dhacay iyo sida ay wax yihiin

 

Hooyadeed inanteedii waxay u dhistay niyada waayo waxay ahayd hooyo wanaagsan waxaanay u sheegtay inaanay waxba ka warwarin oo uu calafkeedu iman doono goortay ahaataba.

 

Markii danbena waxa la ogaysiiyey aabaheed waxaanay reerkii isku raaceen in ay ninka ka aqbalaan warqada iyo xaq iyo xuquuqba waxay ku lahayd.

 

Muddo yar oo gaaban ayuu ku soo diray warqadii iyo xaq iyo xuquuqba waxay ku lahayd.

 

Haba yaraatee xaafadii iyo inantii may daba galin sababta uu ninkani ku furay inantooda.

 

Ilmihii u calool galay waxa ay noqotay gabadh waqti ka dib ayaanay Umushay si fiicana way u kortay.

 

Muddo ka dib ayaa gabadh ka timid dalkii uu joogay oo inanta ay saaxiib ahaayeen soo dagtay waxanay maalin maalmaha ka mid ah kulmeen inantan way ogayd inuu soo doonay ninkaasi laakiin wax aqoona umay lahayn isaga se laakiin may ogayn inuu furay waxaanay u sheegtay inay aragtay ninkii oo ka ganacsanaya Daroogo ahna qof aanay moodayn siday ku aragtay laakiin uu yahay ruux qudhun faraha kula jira oo aan wanaagsanayn waxa kale oo ay maqashay inuu yahay nin caan ah oo dumarka guursada intuu imaado oo uu soo dago muddo yarna fura oo iskaga taga, ee ay iskaga tagto oo ay iska futro iyada oo qoslaysa ayaya ugu jawaabtay waan kala tagnay muddo hore.

 

Waxaanay ogaatay oo u iftiintay waxa uu yahay iyo waxa uu ku furayba ee aanay iyadu khalad lahayn markii hore se ay ahayd khalad dhankiisa ka imid oo ah inuu caado u leyahay inuu dumarka xumeeyo}

Sheekadii markay u dhamaysay ayaa uu inankii ka codsaday inuu doonayo inuu la sameeyo xidhiidh guur way ka aqbashay waayo waxa uu u balan qaaday inuu ilowsiin doono dhibkii ka soo maray guurka.

Muddo ka dibna way aqal galeen waxaana ay ku wada naaloodeen farxad iyo badhaadhe iyo ubad wanagsan oo ay heleen.

Run ahaantii qofna kama muuqan karto oo wajiga kagama taalo waxa uu yahay se waxa la ogaadaa marka lala dhaqmo ee hooy lala dago qof kaa fogna way adagtahay inaad ogaato waxa uu samaynayo iyo waxa uu yahay.

Hargaysa, Somaliland

Email: Xamzesiciid@gmail.com

Mobile: 0634410163