Sunday, September 21, 2014

Maamulka Shirkadda Diyaaradda Ee Jubbo Airways Oo Si Kulul U Beeniysay Warshirkaddooda Laga Baahiyey

Maamulka Shirkadda Diyaaradda Ee Jubbo Airways Oo Si Kulul U Beeniysay Warshirkaddooda Laga Baahiyey

Maamulka (Gobanimonews)21-9-2014- Shirkadda Diyaaraddaha ee Jubo Xafiiskiisa Magaaladda hargeysa, ayaa si kulul u Beeniyey Warar laga baahiyey shirkaddooda ,kuwaasi oo lagu sheegay inay shirkaddu Baasaboorka Somalia oo Somaliland hore looga mamnuucay inay ku bixiso warkaasina mid aan sal iyo raadtoona laheyn ay shirkaddu ku tilmaantay oo lagaga been sheegay shirkaddooda

indexShir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Maamulaha shirkadda Jubbo Airways Khadar Maxamuud Jaamac,ayaa sheegay in been abuur iyo waxba ka ma jiraan uu yahay warka laga baahiyey shirkaddooda isla markaana aanay shirkaddoodu wax shaqo ah ku laheyn hawlo baasaboor iyo wax la xidhiidha ee ay shirkaddu hawlaheeda duulimaadyadda uun ka shaqeyso iyo adeegyadeeda diyaaradda Shirkadda Jubbo ay u qabato macaamiisheeda kala duwan ay ugu adeegto.

Maamulaha shirkadda Jubbo Airways Khadar Maxamuud Jaamac oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “runtii waxa wax laga xumaado ah in ay mihinadii saxaafadda iyo nidaamkii loo mari jiray ay ka leexatay oo cadadka warka ku qoran wargeyska Foore runtii war wax ka jiraan maaha ee waa been abuur cad waxana weeye shirkadda Jubo waa shirkad ganacsi oo waxa loo aasaasay inay adeega u fisiso dadkeeda oo meelaha (Waddamadda ) ay u kala gooshtana u fidiso inay dadku ka iibsadaan Tidhigadda isla markaana adeeg hufan oo tayo leh siisa macaamiisheeda kala duwan eek u xidhan”

Khadar oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaana aan leeyahay xafiis furan oo shirkadda u shaqeeya oo hawlo Imigareeshin Qabta oo xaasaasiyadda uu leeyahay qabta ma jiro qof caqli lehna loo sheegi maayo waxaana aan u maleynayaa waa wax dad dano gaar ah leh oo doonaya inay shirkaddayda Sumcadeeda wax yeelaan waxaana aan odhan lahaa walaalaha qoray Wargeyskan waxa ay aheyd inay intii aanay qorin warkan qaladka ah inay markii hore na la soo xidhiidhaan oo nin kasta oo wariye ah oo hawlaha xafiiskayaga u baahda in uu yimaado oo wax naga weydiiyo waa uu iman karaa oo wax kasta oo su’aal ah waanu uga jawaabi karna waana uu u furan yahay,marka ugu dambeyntii waxa aan leeyahay wargeyskaasi iyo warka uu naga qoray waxba kama jiraan waana been abuur ee waa inay ka waantoobaan cidii waxaasi aan jirin iska qortay”

Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciili

Abdiwali1991@gmail.com

Hargeysa Office/Somalililand