Tuesday, September 30, 2014

Siilaanyo oo Amar ku bixiyay in deg-deg sharciga loola tiigsado Askariga dilay Taliyaha

Siilaanyo cadhaysanHargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah Sharciga loola tiigsado Askariga toogtay Taliyihii Bilayska Degmada Arabsiyo Cabdi-case, kaasoo maanta Askari hubaysani tacshiirad ku furay, kaddibna u dhintay dhaawac culus oo gaadhay.

War qoraal ah oo uu saaray Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa Madaxweynuhu uu tacsi ugu diray Marxuumka Geeriyooday, isagoo tilmaamay inay dilka Saraakiisha Ciidamadu dhaawacayso sharafta iyo Milgaha Ciidanka qalabka sida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey ee Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay”.ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Madaxtooyada.

“Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xadgudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo”.ayuu yidhi Siilaanyo.

Taliyaha Geeriyooday ayaa dilkiisu keeni karaa xaasaasiyad ciidan oo khatarteeda leh iyo xiisad bulsho, hadaanay xukuumaddu qaadin talaabo deg deg ah oo waafaqsan arrimaha ciidamada.

Waxaanay dhacdadani durba bulshada dhexdeeda dhalisay hadal hayn xaasaasiyadi ku dheehantahay.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com