Thursday, September 25, 2014

Hogaamiyihii Kooxda Boka Haram oo La Dilay

boko_haram(GNA)Milatariga Dalka Nageria ayaa sheegay in Dagaal Culus ay la galeen Dagaalyahanada Kooxda Boka Haram in ay ku dileen Nin soo saari jiray Muuqaalo Dacaayaad u badan isaga oo iska dhigaya in uu yahay Hogaamiyaha Kooxdaasi..

Afhayeen u hadlay Ciidamada milateriga Dalka Nageria ayaa sheegay in Dagaal Culus ay la galeen Kooxda Boka Haram in lagu dilay nin iska matali jiray in uu yahay Hogaamiyaha Kooxdaasi Abuubakar Shekau.

Afhayeenka ayaa sheegay in Abuubakar Shekau-gii rasmiga ahaa uu dhintay xilli hore, iyadoo ninka ka soo baxayay muuqaalada uu iska dhigaayay ninkaas balse magaciisa rasmiga ah uu yahay Maxamed Bashiir.

Dhinaca kale Milateriga dalka Nigeria ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Boka Haram iyaga iyo hubkooda in ay isku soo dhiibeen Ciidamada Milatariga kuwaa oo hada qaarkood baaritaano lagu wado.

Ku dhawaad 300-oo dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Boka Haram ayey Milatariga Dalka Nageria sheegeen in ay isku soo dhiibeen Ciidankooda , waxa ayna dagaalyahanadan ay iska soo dhiibeen laba deegaan oo ku yaal waqooyi bari Nigeria..

Kooxda Boka Haram ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Milatariga Dalka Nageria, mana jiro ilo madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Milatariga Nageria ee ku aadan in ay dileen Hogaamiye katirsanaa Boka Haram sidoo kale ay isku soo dhiibeen Boqolaal Dagaalyahan oo kooxdaasi katirsan