Thursday, September 25, 2014

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Heshiiska Xuquuqda Carruurta

[caption id="attachment_93538" align="alignleft" width="400"]Kulanka guud ee wasiirada Kulanka guud ee wasiirada[/caption]

Muqdisho, 25, September, 2014(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Heshiishka Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Carruurta, waxana Heshiiskan oo uu soo gudbiyey Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir uu wax badan ka tarayaa ilaalinta Xuquuqda carruurta Soomalaiyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa iyadoo ka duuleysa baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee 20-kii November ee sannadkii hore ee ku aaddana dhawridda Xuquuqda Carruurta, waxay u jeensatay ilaalinta Xuquuqda Carruurta Soomalaiyeed iyo daryeelidooda. Ku biiritaanka heshiiskan caalamaiga ah ayaa dalkani Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya fursad u siinaya ka qaybgalka doodaha looga arrinsanayo ilaalinta Xuquuqda Carruurta.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah heshiiskan u meelmariyey taariikhdu markii ay ahayd 20-kii November ee sannadkii1989-kii, laakiin si uu dhaqan-gal u noqdo waxaa loo baahnaa inay saxiixaan 20 waddan. 7-dii bishii September ee sannadkii 1990-kii ayaa dalkii 20-aad saxiixay ; taas oo ka dhigtay heshiiskan mid dhaqan-gal ah. Dalka Soomaaliya ayaa heshiiskan saxiixday 9-kii bishii May ee sannadkii 2002-dii iyadoo maantana uu si dhamaystiran u meelmariyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Maxamed ayaa soo dhoweeyey meelmarinta Golaha Wasiirada ee Heshiiskan, waxana uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca wanaagga iyo dhawrista Xuquuqda Carruurta iyo guud ahaan tan Bini-aadanka, isagoo ka hadlayana waxa uu yiri:

“Ansixinta maanta ee heshiiskan caalamiga ah waxay wax ku kordhinaysaa dawladnimada Soomalaiya iyo ilaalinta Xuquuqda Carruurteenna. Hayaanka loogu jiro Soomaliya oo nabad ah, horumar samayneysa oo xuquuqda dakeedu yahay mid la dhawray waa mid socda oo maalin kasta wax lagu siyaadinayo.

“Heshiiskan waxa uu dalkeenna u oggolaanayaa in uu fursad u helo ka qaybgalka fagaarayaasha caalamiga ah ee arrimahan looga hadlayo. Waxaynu nahay qaran ka mid ah beesha caalamka waxana waajib inaka saaran yahay heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah.

“Waxaynu leenahay dastuur dhawraya xuquuqda muwaadinka, waxaynu leenahay shuruuc qaran oo sugeysa xuquuqda dadkeenna oo carruurtu ku jirto, hadana heshiiskani waa mid caalami ah oo faa’iido u leh dalkeenna iyo adduunka oo dhan”.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com