Monday, September 22, 2014

Gabiley: Maxbuus Toogasho lagu dilay iyo Shacbiga oo mar kale Gadoodsan

gabileyGabiley(GNA)-Ciidanka ammaanka ee Magaalada Gabiley ayaa toogasho ku dilay Nin Maxbuus ahaa oo ku xidhnaa jeelka, kaaoo isku dayay inuu xabsiga ka baxsado.

Maxbuuska toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Xasan Barre Sool, waxaana toogtay mid ka mida askarta saldhiga dhexe ee Magaalada oo rasaas ku furay isagoo sii dhacaya, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal.

Maydka Ninka la dilay ayaa la dhigay Cisbitaalka Gabiley, waxaanu dilku dhaxay abaaro 11:00-kii maalinnimo ee isniinta Maanta.

“maydkii wuxuu yaallaa dhakhtarka. Dad badan ayaa ku soo uruuray cisbitaalka, waxaana la keenay Ciidamo bilays ah oo faro badan” ayuu Gobanimonews u sheegay Cabdiraxmaan oo ku sugan Cisbitaalka Gabiley.

Dhacdadan ayaa timi iyadoo ay wali taagantahay xiisad ka dhalatay Dil laba sarkaal oo Gabiley ka soo jeeda loogu geystay Degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle, iyadoo jimcihii la soo dhaafay dibad baxyo dilka labadaa sarkaal lagaga soo horjeedaa Magaalada Gabiley ay ka dhaceen.

Rabshadaha Jimcihii ka dhacay gabiley ka dhacay waxa ku dhintay 2 Ruux, shan kalena way ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, waxa la sheegay in laysku diiday qorshe xukuumaddu doonaysay inay mag kaga bixiyso sarkaalka reer gabiley ee ka midka ahaa labada Sarkaal ee la dilay.

Cuqaasha Gobolka iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland oo arrintan ilaa shalay ka wada hadlayay ayaa la sheegay inay isku diideen.