Sunday, September 28, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay dhismaha Ciidanka Shidaalka Baadhista (OPU)

Halkuu ku dambeeyay walaacii UN ka muujisay dhismaha ciidanka ilaalinta sahamiyeyaasha Shidaal Baadhista ee OPU-da, maxaase laga fili karaa howl-galinta ciidankaas..?

siilaanyo44Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa wareegto uu soo saaray ku ogolaaday dhismaha Ciidanka Ilaalinta Waaxda Ilaaladda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka oo lagu kordhin doono Booliiska.

Warsaxaafaddeed ka soo baxay Madaxtooyada Sabtidii maanta, ayaa lagu shaaciyay go’aanka Madaxweynaha oo aasaaska ciidanka OPU-da, ciidankaasoo dhismihiisa uu ka dalbaday wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Taliska Bilayska.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu yidhi “Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:                       Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda     Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciida n Qaran;

Markuu Arkay:                       Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda         Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee   Ciidammada Qaranka;

Markuu Arkay:                       Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay:                      Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda         Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay �A0   mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay:               Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka       debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo       ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday:           Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Kordhinta Bilayska

Waa ciidankii labaad ee lagu kordhiyo Bilayska Somaliland tan iyo markii ay xukuumaddani talada la wareegtay.

Waaxda RRU-da loo yaqaano oo ah ciidan u tababar sida milateriga oo loogu talo galay ka hortaga xaaladaha degdega ah, ayaa sanadkii 2012-kii lagu kordhiyay Bilayska, waxaana ciidankaasi ay hada u shaqeeyaan sida Bilayska caadiga ah iyadoo loo adeegsado joojinta mudaharaadeyaasha iyo cadaadisyada siyaasiga ah.

Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay dhismaha ciidanka OPU-da

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ka digtay aasaaska ciidankan cusub ee ilaalada sahaminta shidaalka ay Somaliland ugu talo gashay, iyagoo ku doodaya inaanay xukuumaddu ogolaanshiyo u haysan.

Laakiinse xukuumadda Siilaanyo ayaa ku doodday inaanay qaramada midoobay xaq u lahayn diidmadeeda ku aadan Ciidanka OPU-da.

Ma cadda inay labada dhinac is-faham ka gaadheen dhismaha ciidankaasi, balse waxa la ogsoonyahay inaanay Somaliland ahayn dal qaramada midoobay aqoonsi rasmiya ka haysta, oo lagula xisaabtami karo shuruucda ka yaalla arrimaha ciidamada.

Heshiisyada Mashaariicda Sahaminta Shidaalka oo ay xukuumaddu sheegtay in Afar Milyan iyo dheeraad lacagta Maraykanka ahi uga soo xeroodeen afartii sanno ee u dambeeyay, ayaa istaagay sanadkii hore dabayaaqadiisii kaddib markii ay shirkadaha qaar cabsi dhanka amniga ah u joojiyeen shaqada, ugana baxeen dalka.

Inkasta oo ay xukuumadda iyo Shirkadduhu horey uga heshiiyeen dib u bilowga howl-galkaas, hadana waxa iska cad inay caqabad ku noqon karto fulintooda qabyada dhanka sharciga ah iyo xaasaasiyada dhinaca Bulshada ee arrintan ku saabsan oo wali aan xal dawladdu ka samayn.

Waxaana hada ciidanka cusub ee la aasaasay sii laba jibaarayaan diidmadii hore ee Sahaminta Shidaalka, iyadoo ay dadka qaar u arki karaan awood ciidan oo lagu muquuninayo hadii ay isku dayaan inay ka soo horjeestaan.

Sababta keentay diidmada

Sababta keentay diidmada shacbiga ee sahaminta Shidaalku waa laba qodob midkood.

Wacyi-gelin la’aan iyo khilaaf siyaasaddeed oo huwan arrimo deegaan iyo kuwo maamul, waxaana intaasi dheer oo aan meesha ka madhayn xasaraddo shisheeye oo lid ku ah in shidaal laga qoto goobo u calaamadsan shirkaddo shisheeye oo heshiis kula jiray dawladdii siyaad barre ee bur-burtay, ka hor 1991-kii, kuwaasoo door aan muuqan ku leh xiisadaha lagaga soo horjeedo heshiisyada xukuumada siilaanyo gashay.

Saleban Cabdi Cali (kalshaale)

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com