Tuesday, September 23, 2014

Somaliland oo madnuucday in Madaarada Dalkeeda laga dhoofiyo Jaadka

Jaadka Shandadaha lagu sii rito ee dibada loola dhoofaa ma Ganacsibaa?

jaad22Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa markii ugu horaysay madnuucday in madaarada dalkeeda laga dhoofiyo Qaadka iyo waxyaabaha kale ee sharci darada ah, sida waxa lagu sheegay Warsaxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista.

Afhayeenka Wasaaradda Duulista Somaliland Sadam Maxamed Axmed, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Jaad laga dhoofinayay Madaarka Cigaal International, saraakiisha Ammaanku maalmihii la soo dhaafay, kaasoo loo waday dalalka dibada ee Jaadka laga madnuucay.

“Hawlwadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Dhenmaarik. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas.

Shaqaalaha ammaanka ee madaarka Cigaal oo adeegsanaya qalab casri ah iyo xirfaddooda baadhitaan ee sarraysa, ayaa ku guulaystay inay qabtaan oo fashiliyaan qorshaha Qaadkan oo dad badani sideen, si loogu gudbiyo waddama ay ka soo xagaa baxeen, oo salka ku haysay ujeeddo ganacsi.”ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeed.

Wasaarada ayaa Rakaabka Diyaaradaha ku war-gelisay inaanay qaadanin Jaad iyo waxyaabo kale oo sharci daro loo dhoofinayo.

dhamaan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku war galinaysaa dhammaan dadka rakaabka ah ee ka dhex goosha madaarrada dalka inay mamnuuc tahay in Qaad loo dhoofiyo waddammada Yurub iyo Carabta iyo guud ahaan wax kasta oo aan soo marin dariiqa sharciga ah ee waaxyaha madaarrada.

Waxaanu ugu digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.”.

Dadka Dibada ula dhoofa Qaadka

Tan iyo markii ay dalalka Reer Yurub qaarkood madnuuceen in sifo ganacsi loo soo geliyo jaadka, waxa isa soo taraya xeelado ay dadka soomaalida ah ee dalalkaasi ku helaan jaad, iyagoo isticmaalaya saaxiibayaashooda dalka ka soo dhoofaya.

Ingiriiska oo ah dalkii ugu dambeeyay ee laga joojiyay cunista iyo waliba ka ganacsiga jaadka ayaa soomaalida joogtaa waxay waajaheen inay iska daayaan cunistiisa iyo inay marba qofka dalkii ka soo dhoofaya ay u soo dirsadaan inuu shandada ugu soo qaado.

Iyadoo ay markii horeba iska caadi ahayd, in qofku markuu dibada ku laabanayo uu sii qaado xidhmo yar oo jaad ah oo uu mararka qaar diyaarada dusheeda ku sii dhafaro, hadana waxa arrintaasi sii kordhisay baahida kale ee asxaabtiisa oo ku khasabtay inuu waxyar gacanta ugu sii qaado iyagana.

Go’aanka ay dawladda Siilaanyo hada ku madnuucday la dhoofista Jaadka dibada loo qaato, ayaa saameyn ku yeelanaya Akhtiyaarka aasaasiga ah ee Dadka dhoofayaasha ah, wuxuuse maslaxad weyn u yahay dalalka karahsada in jaadka lala soo galo, sida Ingiriiska, Maraykanka iyo Sucuudiga oo ka mida waddamada loogu necebyahay caleenta dadku cunno.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com