Sunday, September 21, 2014

Diwaan-gelinta Medeniga ah oo todobaadkan ka bilaabaysa Hargeysa

Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda oo heshiis ku dhawaaqay..

[caption id="attachment_98828" align="alignleft" width="400"]Muwaadiniinta Somaliland oo heli doona Aqoonsi dhalasho Muwaadiniinta Somaliland oo heli doona Aqoonsi dhalasho[/caption]

Hargeysa(GNA)-Guddida farsamo ee maamulaysa diwaan-gelinta Medeniga ah ee lagu muransanyahay qabashadeeda, ayaa tababar u furay qaybtii ugu horaysay ee shaqaalada fulinaya howshan, kuwaasoo tiradoodu gaadhayso boqol iyo dheeraad qof oo isugu jira khubaro dhinaca IT-ga ah iyo saraakiil hogaaminaya howsha.

Kooxaha fulinaya Diwaan-gelinta oo sidii qorshuhu ahaa loo qaatay ku dhawaad Lix boqol iyo konton qof, ayaa waxa Gobollada kale dib loogu dhigay si dib eegis iyo kala shaandheyn loogu sameeyo dadkii loo qaatay diwaan-gelinta oo mudadii howsha loo diyaar garoobayay wixii iska dhimay dib loo eegayo.

Shaqaalaha ka howl-gelaya Diwaan-gelinta ayaa maanta loo bilaabay tababar ku saabsan sida ay ugu shaqaynayaan qalabka loogu talo galay in lagu sameeyo diwaan-gelinta, waxaanay qaadanayaan tababar sii socon doona muddo laba maalmood ah.

Furitaanka tababarkan ayaa warbaahinta loo ogolaanin, balse qaar ka mida shaqaalaha oo ka Gobanimonews la hadlay, ayaa sheegay in la tusay qaabka muwaadiniinta looga qaadayo sawirka Indhaha si loo xaqiijiyo inaanay meello kale iska diwaan-gelin.

Tani waa talaabo hore loo sii qaadayo iyadoo aanay Hay’addaha Xeer-dejintu go’aan ka gaadhin wax ja bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka diwaan-gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha.

Xisbiyada Mucaaridka iyo bulshada inteeda badan ayaa si weyn uga biyo diidsan israacinta diwaan-gelinahan oo sida ay aaminsanyihiin caqabad ku ah doorashooyinka dalka ka dhici doona badhtamaha sanadka soo socda.

“markii ay ogaadeen xukuumaddu in qalabka diwaan-gelinta codbixiyeyaashu tayo fiicanyahay oo aanay ku shubasho iyo in kaadhadh dheeraad ama ku noqnoqosha aanay samayn Karin ayay doonaysaa inay diwaan-gelinta Muwaadiniinta ku khiyaamayso shacbiga”sidaasi waxa dhawaan ku dooday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha Aqalka Wakiillada Somaliland ee ka soo horjeeda diwaan-gelinta.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah oo sabtidii shalay kulan ku yeeshay madaxtooyada ayaa ka wada hadlay arrimahan diwaan-gelinaha ee laysku maandhaafsanyahay.

Dhinacyada ayaa maanta ku dhawaaqay heshiis ay ka gaadheen khilaafkii labada diwaan-gelinood ee laysku mari la’aa in lays raaciyo.

Mucaaridka ayaa ogolaaday diwaan-gelinta Medeniga ah, isla markaana ay sidaa isu dulsaarnaadaan labada diwaan-gelinood sharci ahaan (Xeerka Diwaan-gelinta  Muwaadinta iyo Codbixiyeyaasha).

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com