Wednesday, September 24, 2014

Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Agaasimihii Cisbitaalka Burco Oo Geeriyooday

images (3)(GNA) ;- Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Dhambaal Tacsi ah u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Agaasimihii guud ee cisbitaalka dawladda ee Burco, Dr. Cabdiqaadir Muuse (Muruq-liqe) oo xalay geeriyooday.

 

Dhambaalka Tacsida ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Caafimaadka  Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta waa weyn ee dalka kana mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ka qaybqaatay dib u dhiska dalka, wakhtigooda ugu badana geliyey sidii bulshadeenu u heli lahayd caafimad taam ah, sidoo kalena ahaa aqoon yahan iyo waxgarad door muhiima ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda caafimaadka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.