Monday, September 29, 2014

Guddida Qandraasyada Qaranka Somaliland Oo Shaaciyay Shirkada Ku Guulaysatay Qandaraaska Tabarka Ciidanka Illaalada Shirkaha Shidaalka (OPU)

Hargeysa (GNA)-Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Somaliland Md; Aadan Axmed Nugaal, ayaa ka warbxiyay tirade shirkado soo codsadey qandaraaska ciidamo loo sameynayo illaalinta shirkadaha shidaalka ee (OPU) iyo habkii ay u kala saareen shirkadahaasi, isagoo xusay inay ku guuaysatay qandaraaskaasi qiimayn ay sameeyeen ka dib shirkada Salahdiin kuna qaadatay lacag dhan $6,000,000, balse uu xusay in uu hadhsan yahay saxeex ugu dambeeyay.
Guddoomiyaha Nugaal, waxaa sidan uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qatay xafiiskiisa isaga iyo wasiir ku xigeenka maamulka wasaarada arrimaha gudaha Md: Cismaan Garaad Maxamuud Garaad Soofe.
Guddoomiyaha Nugaal, oo ugu horrayn shir jaraa’id ka hadlay, ayaa sharraxay hawsha qandaraaska iyo nidaamka ay ku kala sareen waxaanu hadalkii ku bilaabay isagoo arrimaahaasi iftiiminaya,“marxalado badan ayuu soo maray tartanku qandaraaska shkirkado ayaa tartamay garina laba nin kama wada qosliso hadii la baratamo ama la garamo mid uunbaa gartu raacdaa, qandaraaska waxa loo smeeyay booliska tababarkiisa iyo wixii la xidhiidha, side loo tababarayaa ciidanka farsamo ayuu u baahan yahay sida macalin iskuulku u diyaariyo carshada uu ardeyda u dhigayo, maxaa loo dhigayaa askariga ayaa ku jira. Shirkad ayaa qandaraas lagu siiyay farsamadii lagu dhisi lahaa ciidanka si loo waafajiyo nidaamka dowliga ee caalamka”.ayuu yidhi gudoomiyuhu waxaanu intaas ku daray, “lix shirkadood ayaa qandaraaskaa ka soo qayb galay dabcan oo kala jaad-jaad midiba waxbay ka soo shaqeysay midiba mwaxbay takhasus gaara u lahayd guud ahaana waa shirkado amaanka ka shaqeeya waxaan lagu kala saarayaa qodobo ay ka mid yihiin 1. Aqoonta 2. Lacagta ay soo qorteen 3. In shirkadu tahay mid jirta oo shaqeysa khibrad ma leedahay 4. Qiimayn lagu sameynayo profileka shirkada. Laba shirkadood oo midi Somaliland ay ka shaqeyn jirtay Olive oo imka mid kale ay isku darsadeen oo layidhaahdo Olive New Port Africa iyo shirkada Salahdiin ku soo baxay qiimayntii dambe”.
“Labadii shirkadood qiimayn ka dib waxaa la isla qaatay shirkada Salahdiin ayaa qandaraaskii la siiyay kuwaasaana helay, gorgortan ayaanu galanay waxay soo qorteeb $6,838,000 qolada kakena waxay soo aqorotay $ 8,000,000. Gorgortan ka dib waxaa lagu siiyay $6,000,000”,
Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Md; Aadan Axmed Nugaal, waxa kaloo uu sheegay in aan wali lka saxeexin qandaraaskaasi, waxaanu sheegay inay ku xidhan tahay asixinta xeerka booliska madaxweynuhu doraad soo saaray, shir dambe oo la layeesho shirkada ku guulaysatay iyo hubinta lacag qandaraaska.
gobanimonews.com/