Tuesday, September 30, 2014

Xukuumadda Siilaanyo oo joojisay bixinta Baasaboorkii hore ee Rayaale

Waxa la bilaabay bixinta Epassport-ka cusub oo noocyo kala duwan ah...

cambaro Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la joojiyay qaadashada Baasaboorkii hore ee Xilligii Rayaale la sameeyay, kaddib markii dhawaan la soo daabacay mid cusub oo noociisu yahay Passport, sidaas waxa Isniinta maanta ku dhawaaqay Taliyaha Laanta Socdaalka oo Warbaahinta la hadlay.

Col. Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), oo sharaxaad ka bixiyay bixinta Basbaaboorka cusub ee lagu bedelayo kii hore, waxa uu sheegay in Shuruudo adag lagu xidhayo qofka qaadanaya dal ku galka cusub.

“waxaan Bulshada Somaliland u sheegayaa in Basaboorkii hore ee gacanta lagu qori jiray la joojiyay oo aanu bixinayno Basaboorka cusub ee E-passport-ka ah oo shuruudihiisu aad iyo aad uga adag yihiin kii hore laguna fadhiisiyay cid aan Muwaadin Somaliland ah ahayni aanay qaadan, Shuruudaha dambi la’aanta iyo kuwo ka sii adagba la gaadhsiiyay” ayuu.

Col. Cambaro ayaa intaas raaciyay “waxaan sidoo kale u sheegayaa bulshada in E-passport-gu kala yahay saddex nooc oo kala ah Diblamaasi basaboor oo ay qaadanayaan heerka Diblamaasiyiinta Somaliland ugu saraysa,waxa ku xiga Service Basaboor oo qofka shaqo u baxayaa qaadan doono iyo Basaboorka caadiga ah oo qof kasta oo Somaliland ahi qaadanayo.waxa kale oo aanu ku soo kordhinay Buugga Bad-maaxida oo qofka Somalilander ah ee Badda galaya Macluumaadkiisu ku dhan yahay” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan furay qaadashada Baasboorka cusub, kaasoo bixintiisa hakad la geliyay ilaa dhamaadkii bixitaanka Xujaajta sanadka oo ku tegay passport Soomaaliya.

Ilaa hada ma jiro dal si rasmiya u aqoonsan Passport-ka Somaliland oo si sax ah loogu tegi karaa, marka laga reebo Dalalka Djibouti, Itoobiya iyo Ingiriiska oo ixtiraami jiray kii hore ee ay dawladdu joojisay.

Hase yeeshee Taliye Cambaro ayaa sheegay in kan cusub lagu tegi karo dalal badan oo Caalamka ah, wallow uusan carabbaabin mid iyo laba toona.cambaro22

Muwaadiniinta Somaliland ayaa intooda badani waxay ku safraan markay dibadaha u baxayaan, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha dibada tegaya iyo musaafiriinta kale Baasboorka Soomaaliya ee Federaalka, kaasoo ay dhawaan Xukuumadda Siilaanyo madnuucday in dalka gudihiisa lagu isticmaalo, balse cid dheg u dhigtay jirin.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com