Sunday, September 28, 2014

Maxaa sababay iscasilaada Guddoomiye ku-xigeenkii guddida Dan iyo Duco?

guddomiyeBerbera(GNA)- Aqoonyahan Maxamuud Xaaji Aadan oo dhambaal qoraal ah warbaahinta ku baahiyay ayaa sheegay inuu iska casilay Guddi beeleedka DAN iyo DUCO, sababo la xidhiidha musuqmaasuq iyo maamul xumo uu dhaleeceeyay hogaanka Guddida iyo habacsanaan xubnaha guddida uu ku eedeeyay.

Guddida Dan iyo duco ayaa lagu aasaasay Shir-beeleedkii Gobolka Saaxil ee Degmada Dubur, waxaana ujeedka loo aasaasay ahayd horumarinta Bulshada ku dhaqan Gobolkaas, iyadoo aanay aasaaska guddida ka madhnayn arrimo siyaasaddeed oo xilligaas dalka ka bilownaa.

Hadaba dhowr sanno kaddib xubinta muhiimka ah ee iska casishay Guddidu waxay muujinaysaa kala qaybsanaan soo waajahday oo sababi karta bur bur ku yimaada.

Maxamuud Xaaji Aadan ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay 11 qodob oo uu sheegay inay ku khasbeen talaabada uu qaaday:

War saxaafaddeedka uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

Ku; Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Gobolka Saaxil ee Dn iyo Duco

Og ; Dhamaan Xubnaha Golahaasi Odayaasha ee Dan iyo duco

Og; Cidii Kale ee ay Khusayso Is Casilaadani

Ujeedo

Tanaasul , Walaalayaal , Qodobadan ayaa kamida sababaha aan usoo dejidejiyay Is,casilldayda

1-Markii Aan Arkay Khilaafka iyo Maamul xumida kusii kordhaysa Gudida Dan iyo Duco

2-Markii aan arkay in Gididii Tahli wayuday in ay Qabato Shirkii Sanadlaha ahaa.

3-Markii aan arkay in loo maamulayo si aan sharciga dan iyo duco waafaqsanayn Deeqiihii lacagta ahaa ee kusoo dhacay sanduuqa horumarinta Gobolka Saaxil ee Odayaashu Maamulaan, Lays kanala Tashan waayay.

4-Markii la Waayay Wada tashi iyo istixgalin, oo taldii lagu soo caano maalay meesha ka baxday.

5-Markii aay suura galiwayday in xisaab xidh lasmeeyo tan iyo intii gudidan la doortay.

6- Markaan arkay in Gududii aanay waxba ka ogayn, waxna kala socon halka xaalku marayo oo ah wixii lanoo doortay ee lanagu dhaariyay,

7-markii aan arkay sumcadii iyo karaamadii golahan Dan iyo Duco oo hoos usii dhacaysa shacabkii nasoo doortayna nala yaaban yihiin maamulximida naga dhex taagan.

8-markii aan ogaaday in shantii boqol ee kun ee doolarka ahayd uuna bixiyay kuwaydigu lagu isticmaalayo dhisme bilaa faa.iido ah oo aan loo baahnayn, lana diiday in wixii ku haboonaa lagu qabto.

9-markii aan arkay in qandaraasyadii si sharci daro ah loo bixiyay.

10- Markii aan Xaqiiqsaday in Awoodii Gididu aay Gacanta u Gashay Shaqsi Kaliya, Xubnihii kale ee Gudidanina aanay waxba gacanta ugu jirin, intoodii badnaydna quus iska taageen wada tashi,la,aanta dhacday ee qof kali ahi go,aamadii qaadanayo.

11- Ugu Danbayntii Anigoo waxbadan oo ogaalkaya ka gaabsaday in aan soo bandhigo waxyaabaha halista ah waxa kamida , Sharcigii Golahan Dan iyo Duco ku Dhisnaa Dhamaan tiiba Daaqada ayaa laga Tuuray,wixii la doonana sharci laga dhigtay,Hadaba Anigoo ka Duulaya Qodabadan iyo Qaar kale oo aanan soo Bandhigay Waxa aan Go,aansaday in aan iska casilo ama ka Tanaasilo Xilkii ku Xigeenka Gudidan dan iyo Duco ee aan Tolkay u Hayay.

Wa,Bilaahi Tawfiiq

Aqoonyahan Maxamuud Xaaji Aadan

Gudoomiye Ku Xigeenkii Golaha Odayaasha ee Gobolka Saaxil DAN IYO DUCO