Tuesday, September 30, 2014

Golaha Wakiillada oo ansixiyay in mar la wada qabto Doorashooyinka M/weynaha iyo Baarlamanka

Qorshe lagaga hortegayo wakhti dherersi Xukuumi ah oo Golaha wakiillada ka gudbay..

[caption id="attachment_94270" align="alignleft" width="300"]Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha[/caption]

Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta oo Salaasa ah Ansixiyay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo codbixiyeyaasha, dood socotay afar maalmood ka ddib.

Golaha ayaa sidoo kale cod gacan taag ah ku ansixiyay soo jeedin la horkeenay oo dhigaysa in mar la wada qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka.

Fadhiga Golaha oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa ka soo xaadiray 66 Mudane, waxaanu ahaa fadhigii u dambeeyay ee Kal-fadhiga 20-aad, iyadoo ay mudaneyaashu galeen fasax lix todobaad ah.

Guddoomiyaha Golaha oo hadal ka jeediyay Fadhiga ayaa sheegay in Doodda Mudaneyaashu u badantahay in mar la wada qabto Doorashada Baarlamanka ee muddo dhaaftay iyo ta madaxtinimada oo wakhtigeedu ku eegyahay 2015-ka, sidaasi darteed loo baahanyahay in cod loo qaado.

“ goluhu wuxuu soo jeediyay, In Xeerkan lala akhriyo oo la waafajiyo Xeerarka kala ah Xeerka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Xeer lr. 37/2007 iyo lifaaqyadiisa, Xeerka Jinsiyada Xeer lr.22/2002, Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka oo dhamaan qodobada xeerkan ku jira ee ka hor-imanaya la waafajiyo si aanu u khilaafin.

In Goobaha Diiwaangalinta iyadoo la waafajinayo Xeerka Diiwaangalinta Xeer lr. 37/2007 laga dhigo “goobkasta oo codbixineed waxay noqoneysaa goob diiwaangalineed”.

In Xeerka lagu daro in “indhaha” laga qaadayo qofka is diiwaangalinaya si loo helo diwaan gelin lagu kalsoon yahay ee cod bixiyeyaasha JSL iyada oo komishanku tijaabiyey habkan kuna guuleysteen iyo dhamaan wixii sameyn ah yeelanayo qodobkani”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Soo jeedinta Guddoomiyaha kaddib, waxa Goluhu cod u qaaday laba qodob oo kala ah Diwaan-gelinta iyo israacinta Doorashooyinka.

64 Mudane ayaa u coddeeyay in labada Doorasho lays raaciyo, si aan dib u dhac u iman, waxaanu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in qodobkaasi sidaas ku ansaxay.

Dadka Siyaasadda ka faallooda ayaa ku tilmaamay arrintan mid mucaaridku dabada ka riixayaan oo la doonayo in lagaga gaashaanto muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda talada haysa oo badhtamaha sanadka soo socda wakhti xileedku ka dhamaanayo.

Su’aal ayaa ka taagnayd waxa laga yeelayo Doorashooyinka sanka isku haya ee dalku gelayo, iyadoo ay jiraan aragtiyo guud oo ku talinaya in lays raaciyo ugu yaraan labada Doorasho ee Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada.

Laakiinse go’aanka uu hada Golaha Xeer-dejintu ku ansixiyay in lays raaciyo ayaa u baahan in la waafajiyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Dastuurka Dalka, isla markaana ay isku waafaqaan dhamaan dhinacyada Siyaasadda dalka ku loolamaya iyo Daneeyayaasha Beesha Caalamkan ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka iyo dimuquraadiyada.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com