Wednesday, September 24, 2014

Wiil uu soddog u ahaa Osama Bin Laden oo maxkamad ku taal Maraykanka xabsi daa’in ku xukuntay

0SAMA-AND-HIS-SON-300x168(GNA)Maxkamad ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay wiil uu soddog u ahaa hogaamiyihii hore ee Al Qaacida Osman Bin Laden kadib markii lagu helay fal argagaxiso ah.

Sulaiman Abu Ghaith, oo ah 48jir ayaa ah qofkii ugu sareeyay ee ka tirsan Alqaacida oo maxkamad lagu soo taago dalka Maraykanka tan iyo weerarkii 9/11.

Abu Ghaith oo u dhashay wadanka Kuwait ayaa sanadkii hore lagu soo qabtay wadanka Jordan waxaana loo soo gacan geliyay dowlada Maraykanka.

Bishii March ayaa maxkamad ku heshay Abu Ghaith dambi ah isku day dilka muwaadiniin Maraykan ah iyo taageerida ururka Al Qaacida.

Maxkamadii qaaday dacwada Abu Ghaith ayaa lagu soo bandhigay muuqaal filim ah oo uu ku hanjabayo inuusan dhamaad lahayn weerarada dayuuradaha ee lagu qaadayo dalka Maraykanka.

Hase yeeshee Abu Ghaith ayaa ku dooday in doorkiisu uu ahaa arrimo la xiriira diin uuna ku dhiirigelinayay dhammaan muslimiinta in ay ka dagaalamaan gardarada reer galbeedka.

Waxana uu qirtay Abu Ghaith in Bin Laden uu ka codsaday in uu noqdo afhayeenka ururka Al Qaacida habeenkii weerarkii 9/11.

Abu Ghaith, oo ah mid kamid ah dadka darajo sare ka soo qabtay Al Qaacida oo lagu maxkamadeeyo dalka Maraykanka ayaa ah seyga gabadha ugu weyn ee Osma Bin Laden ee Fatuma.

Aasaasihii ururka Al Qaacida Bin Laden ayaa lagu diley weerar ay qaaden ciidamo Maraykan ah bishii May 2011.