Saturday, September 27, 2014

Dugsiyada ka ganacsada shacabka somaliland oo dalka ku soo batay iyo dhibta ay ku hayaan shacabka u heelan helida tacliinta.

 


 


SIDAM


 


 


 


 


 


 


 


 


 


Haragsa(GNA)Waxa magaalada hargaysa ku soo badanaaya tirada schoolada ka ganacsada islamarkaana ku maxaabsada magac waxbarasahada dadban ee loo yaqaano Bareefadka(Prevate) kuwaas oo dhib xoogan oo dhanka dhaqaala ah ku haya shacabka iyo maatida reer somaliland,ee iyagu la daalaa dhacaaya sidii ay u helilahaayeen waxbarasho iyo tacliin tayo leh kuwaas oo hada si bilaa shuruuda looga furay guud dalka somaliland khaasatan magaalo madaxda hargaysa iyaga oo tacad dhanka dhaqaalaha kala kulma dugsiyadaasi balse aan ka helin islamarkaana aanay ku qancin tayadooda waxbarashada .


Hadaba waxa ka mida iskuulaadkaasi schoolka magaciisa la yidhaahdo SIDAM COLLAGE oo isagu ku yaala caasimada jamhuuriyada somaliland , hargaysa islamarkaana ah kuwa ugu horeeya ee ku maxaabsada mihnada iyo magaca waxbarashada casriga ah Sida


Bussiness administartion, computerka , iyo maadooyin kale oo ay dhamaantood sheegtaan inay bixiyaan kuna bixiyaan hab takhasusaada balse ah mid copy ,oo ay dhaqaalo xoogan kaga guraan    Ardayda iyo waalidiinta iyagu ku tabcaaya ardaydooda si ay u anfacaan mustaqbalka soo socda iyo kan hada la joogba , maanta ayay ahayd markii, iskuulkani uu soo qaban qaabiyay waxa uu ugu yeedhay inay tahay munaasibada lagu sa bootiyaayo Ardayd iyagu dhamaysatay tacliinta dalka taala in ka mida balse ahayd mid aduun urursiya oo ay kooxdan mamusha iskuulkaasi soo ababuleen si ay dhalinyarda ay marin habaabiyeen uga guraan aduun lacageed, goob aanay kala cadayninay tahay mid waxbarasho iyo bandhig faneed oo ay hadheeyeen suugaan ku salaysan jacaylka iyo heeso jacayli , ayaa lagu qabtay hotel Guuleed ee magaalada hargaysa waxaan lagu sheegay in ay dhalin yaradan ay yahiin dufcadii 10aad ee ka qalin jabisay kuliyada iyadu ka mida goobaha waxbarashada ee ku macaasha gaca waxbarashada,waxa aan ilaa hada la garaynayn islamarkaana aan la ogayn heerka Aqooneed ee maamulka SIMADA COLLAGE, balse waxa wararku tibaaxayaan inuu yahay heer dugsi sare kaas oo aan cilmiyan u qalmin hogaaminta iyo maamulida iskuul isagu bxiya aqoonta Diplomada .


Dhanaca kale qaar ka mida ardaydii ku sugnaa goobtaasi oo ka gaabsaday inay sheega magacooda ayaa noo xaqiijiyay inay bixin jireen bishii lacag dhan$ 30 halka ay maantana bixiyeen $ 45 iyo waliba laba bilood lacagtoodii oo laga qadimay islamarkaana lagu yidhi hadii aydaan bixin labadaa bilood lacagtooda ma qaadanaysaana warqada cadaynta ee la yidhaahdo shahaada balse koobiga ah.


 


SIDAMADA


Sikastaba ahaatee wasaarada waxbarasahada somaliland ,gaar ahaan waxaada bareefadada oo uu agaasime ka yahay pro:Muuse maxamed shide ayaa u muuqda mid ka gaabiyay ama dayacay xilkii uu ugu xilsaarnaa qaranka isaga oo ku muuurtay kharashaada iyo lacago badan oo la sheegay inuu ka qaato maamulayaasha Iskuulaadkan iyagau dhibta baahsan ku haya shacabka iyo dan yarta u dhashay dalkan somaliland.shabakada wararka ee Gobanimo news Ayaa isku daysa inay soo ururiso xogta dhabta ah ee ka dambaysa hoos u dhaca iyo ku maxaabsiga magaca waxbarashada oo iyadu mudooyinkii u dambeeyay laga dareemaayay xaalad liidata.


Mustafe Axmed(Herer).


Email:Herersax@gmail.com.


Gobanimonews.com/office


Hargaysa/somaliland