Tuesday, September 30, 2014

Xisbiga Waddani oo bedelaya Xoghayaha Guud

maxaa ka jira wararka sheegaaya in golaha fulinta ee xisbiga Waddani ay wadaan badalaad ay xilka kaga tuurayaan xoghayaha guud ee xisbiga wadani, Uur cade.

uurcadra

 

Hargaysa(GNA)Wararka laga helaayo ilo wadareedyo u dhuun daloola Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegaaya in hogaanka sare ee xisbiga waddani uu wado mooshin ay xilka xoghayenimo kaga tuurayaan xoghayaha guud ee xisbigaasi mr.maxamed c/laahi Uur Cade.

wararka ayaa intaa ku daraaya in todobaada soo socda ay golaha fulinta xisbiga waddani ay u balansan yahiin in badalaad ku sameeyaan xoghayaha guud ee xisbiga iyada oo xilka xayuubistiisana lagu sababeeyay ka dib markii uu tahliwaayay mr.

Uur Cade inuu taageero ka keeno Beesha uu ka soo jeedo iyo deegaanada ay dagaanba oo uu xisbiga waddani aanu ka haysan wax taageero ah haba yaraatee islamarkaana ay gudoomiye Cirro Soo gaadheen cabashooyin kaga yimi beelaha uu ka soo jeedo xoghayaha guud ee xisbiga waddani mr.maxamed c/laaahi (Uur cade) kuwaas oo Gudoomiye Cirro u sheegay in aanay ku qanacsanayn xoghayenimada Uur cade sidaa daraadeedna uu gudoomiyaha xisbiga waddani uu go,aansaday in la badalo xogahayaha guud ee xisbiga Waddani inta ka horaysa Shirweynaha xisbiga Waddani oo la filaayo inuu qabsoomo dhawaan,isaga oo cirro uu taasna u gudbiyay golaha fulinta ee xisbiga Waddani inay ka gaadhaan islamarkaana ay Go,aan ka qaataan badalaaada Uur Cade, maadaama Dastuurka xisbigu uu awood u siinaayo inay badalaan.iyada oo Golaha fulintuna ay Go,aan ku gaadheen inay todobaadka Soo socda u qaadaan Cod xilka ay kaga tuurayaan Xoghayaha Guud ee hada.

Geesta kalana wararka qaar ayaa tibaaxaaya inuu jiro Heshiis iyo wada hadalo u socda gudoomiyaha xisbiga Waddani c/raxmaan Cirro iyo siyaasiga Baashe Cabdi Gaboobe taas oo la sheegay inuu Cirro uu badalkiisa ka dhigidoono maxamed c/laahi Uur cade xogahayah guud ee xisbiga waddani ee hada oo ay isku hayb yahiin, balse ma jiro war rasmiya oo laga hayo inay isku Afgarteen iyo in kale.

Si kastaba ahaatee xisbiga waddani ayaa la filayaa inuu badalo xogahayaha guud ee xisbigaasi hada xilka xoghayenimo ka haya.

Mustafe Axmed(Herer)

Gobanimonews.com/office

Hargaysa/Somaliland.

Herersax@gmail.com