Tuesday, September 30, 2014

Maan Arag waa Mudacayo Afkood!!!by: Jamaal Cabdilaahi

Jamaal Cabdilaahisunaha bani aadamka ayey tahay inaan la isku fakir iyo isku aragti noqon, way adagtahay inaad raadiso afkaar isku wada nooc ahama aan kala duwanayn.

waxaa kale oo iyana adag inaad aragto ama hesho umad isku wada dhinac u jeeda ama u socota, hadaanad marka hore samayn araa is waydaarsi iyo wax is waydiin tabeeto aan meel la isla dhigin waxa la isku maan dhaafsan yahay ama aan la isku afgaran ujeedada ay tahay in la isku raaco ama la gaadho.

waxaa kale oo iyana mudan in la isla meel dhigo hanaanka ay tahay in lagu gaadho ujeedada la isku maan dhaafsanaa.

dhinaca kale hadaad diinteena macaan ee islaamka eegto waxay inagu boorinaysaa isla markaana inagu dhiirinaysaa marka aan arinsanayno ama aan rabno ianaan arin ka biyo keeno inaan marka hore samayno afkaar is waydaarsi iyo wax is waydiin.

hadaan sidaa yeelo oo aan wax is waydiinanana arimeheenu waxay noqondoonaan kuwo barakaysan oo guul ku dhamaada hadaynaan sidaa yeelina waxaa qarka ah fashilaad aan la mahadin.

sidaa awgeed waxaad ogaataa hadii lagu murmo arin in ay waajib tahay in laga tashado waxna la iska waydiiyo oo arinka ama talada la warwareejiyo dhinacyo badana laga eego dabeeto talada ugu macquulsan la isla qaato.

hadaad taasi samayso waxay daawo ka noqonaysaa muran kasta oo bulsho ka dhex dilaaca ama ka sooo dhex unkama.

sidaa cagsigeeda hadii ay noqoto in la isla ficiltamo oo ay noqoto mindi mindi ku taag isla markaana la is ixtiraami waayo waxa xigaa waa kala tag iyo in lakala fogaado taana waa laga wacan yahay waxna kuma hagaagaan.

sidaa awgeed waxaa iga talo iyo tusaale ah hadii la is qabsado oo la isku dhaco isku dhacaasi ha ahaado mid laba qof ama ka badan u dhexeeyee waa inaan laga tagin isku tanaasul is maqal wax is waydiin talo wadaag iyo wada jir.

waxaad ogaataa ixtiraamka iyo tixgalinta aad qofka kaasoo hor jeeda siisaa ama u haysaa inuu daawo ka noqdo xalinta khilaafka idiin dhexeeya.

markasta oo aad rabto inad arin xaliso ama aad qof isku qabataan arin waxaad niyada iyo maanka ku ahaysaa maah maahdii soomaaliyeed ee ahayd MAAN RAG WAA MUDACYO AFKOOD.

 

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)