Monday, September 29, 2014

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo hortagay golaha wakiilada



cadamiHargeysa(GNA):-Wasiirka gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta  ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay gobolada bariga somaliland

 

Wasiirka gaashaandhiga somaliland oo maanta hor tagay golaha wakiilada ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay daraasad ay ka soo sareen tabashadii madax dhaqamedka gobolka Awdal ula yimaadeen madaxweynaha somaliand.

Ugu horayn wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlaya dagaaladii ciidanka qaranka somaliland ay a galeen maamu goboleedka Puntland ee ka tirsan dalka somaliya ayaa waxa uu yidhi “cid  dagaal iskugu timid may jirin, dad masuuliyiin ah ayaa yimid Dhahar hawlna way ka qabsanayeen meesha, dabadeedna ciidanka somaliland ee dhahar dagan ayaa bilabay, dagaal weyn oo noocii aynu naqaanayna muu dhicin, meeshii lagu dagaalamayna hal qof ayaa ku dhintay midna wuu ku dhaawacmay,

 

qolada danbe ee ciidanka lagu sheegay  ee meesha tagtayna  maaha ciidan ee waa dad qayb galay aaska qofka dhintay, cida tagtayna waa abaan duulihii ciidanka qaranka ee aaga bari, waanu ka soo nabad noqday, dagaal ka socdaana ma jiro.” Ayuu yidh wasiirka gaashaandhiga somalilandWasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay kor u sii kacayso tayada ciidanka qaranka iyo tababarada la siinayo waxaanu yidhi “Sanadba sanadka ka danbeeya, bilba bisha ka danbaysa cidanku tayo ayuu sii yeelanayaa, tababarana way socdaan oo waxa dugsiyada tababarka laga hir geliyey wax kasta oo looga baahnaa.”

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga somaliland waxa uu ka hadlay daraasad ay ka soo saareen tabashadi madax dhaqameedka reer Awdal ula tageen madaxweynaha waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka guddida madaxweynaha somaliland u saaray tabashadii ay ula yimaadeen madax dhaqameedka gobolka Awdal, shalay ayaanu yeelanay fadhigii tododaad, waxaanan halkan ka cadaynayaa inaanu madaxweynaha u u gudbin doono daraasadii aanu soo samaynay, anaga oo filayna in madax dhaqameedka iyo madaxweynuhuna ay is af garad buuxa ka gaadhi doonaan arintan, iyada oo labadoodaba ay lexejeclo badani kaga jirto somaliland.” Ayuu yidhi wasirka Gaashandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

 

 

mustafe axmed(Herer)


Gobanimonews.com/office

Hargeysa/Somaliland

Herersax@gmail.com

-