Hargeysa (GNA)Munaasibad lagu daah furayey Bandhiga nabada iyo Farshaxanka qaybtii labaad oo ay soo qaban qaabisay Shirkada Kow Media Corp ayaa lagu qabtay Hotel Guled ee Hargeysa Bandhigan ayaa Socondoona Mudo laba Cisho ah, Halkaasi oo inta uu Bandhigu socdo lagu soo bandigayo Sawirada lagu sawiro Gacanta iyo muuqaalo kala duwan oo lagu xoojinayo Nabada, waxa kale oo halkaasi ku soo bandhigay Suugaan kala Gadisan Fanaaniin iyo Abwaano.Maamulaha Guud ee Shirkada Kow Media Corp Cabdilaahi Faarah oo ah shirkada lahayd abaabulka Bandhigan oo furitaankii Khudbad ka jeediyey ayaa faah faahiyey Qaybta Hore ee Bandhigan oo uu sheegay in lagu qiimayn doono Sawirada waxaanu yidhi “Ujeedada ugu way nee maanta la qabanayaa waxa weeyaan tartankii Sawirada Gacanta ayaa la qiimayanaa, kaasi oo ay qiimayn doonaan Gudi Khubaro ah oo ah Seddex nin oo Dibada inooga yimid iyo seddex inaga ah.” Ayuu yidhi Cabdilaahi

Fanaanada way nee Sahra Halgan oo ka gasoo qayb gashay Bandhigaasi ayaa Hadalo koobanka jeedisay waxaana hadalkeedii ka mid ahaa “waxaan aad ugu farax san ahay inaan ka soo qayb galo Bandhiga Nabada, waxaan leeyahay waa in fanka iyo Suugaanta la xoojiyo waayo waa waxa kaliya ee aad ku arkayso Dadfaraxsan oo qoslaya, Fanka iyo farshaxanku waa waxa ugu qaalisan waxa ay umadi haysato markaa waxaan leeyahay hadii aynu is qiimaynanana waa layna qiimayni hadii kale dadkeenu meel fogbuu ku dhaqaaqay”ayey tidhi Sahra Halgan.

Waxa kale oo bandhigaasi hadalo kooban ka Jeediyey Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka Hambalyeynayaa Kow Media oo Xafladan soo qaban qaabisay, oo u wanqalay Nabada iyo farshaxanka, Nabadu wax iska Jira uun maaha Somalidu waxay tidhaahdaa Nabadbaa naas la nuugo leh, markaynu sidaa leenahay macneheedu waxay inoogu sawiran tahay Neef xoolo ah oo aynu maalayno, laakiin Neefkani Caano laga maali maayo hadii la daajinwaayo oo la xanaanayn waayo”.

Boobe yuusuf Ducaale oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “Maanta waxa Hargaysa Amaan iyo Bogaadin ugu filan inaynu ku tartamayno Sawir Gacmeed, oo aynu gacan iyo camerad ba ugu tar tamayno tii taagnayd iyo tii dhaqaaqaysayba ee Daawashada ahayd, waanu soo dhawaynaynaa” ayuu ku soo gabo gabeeyey

