Monday, September 22, 2014

Wasiir Cadami “Ninkii Saraakiisha laayay waa la soo qabanayaaye Ciidanka qabyaalada ha laga daayo.Daawo

Hoos ka Daawo Wasiirka gaashaan-dhiga Somaliland oo isagoo cadho cirka marsan siduu doono uga hadlay Dilkii labada Sarkaal!!

Wuxuu yidhi waa la soo qabanayaa gacan ku dhiiglihii....

cadami`Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo caawa ka hadlay Telefishanka dawladda ayaa si qaawan oo ka bad badani ku jirto uga hadlay dilkii labada sarkaal ee ciidanka Qaranka lagaga dilay degmada Qorlugud todobaadkii hore.

Cadami ayaa si cad u sheegay in la qabyaaladdeeyey dilka labadaa sarkaal oo uu askari ka tirsan ciidanka Qaranku dilay arbacadii la soo dhaafay, waxaanu intaasi ku daray wasiirku in laga been abuuray Madaxweynaha oo habeenkii dilku dhacay tacsi u diray labada marxuum ee dhintay.

Wuxuu u hadlay sidii oo uu caawa hurdo ka soo kacay, isla markaana uu ku baraarugay xiisada dilkaasi ka dhalatay oo meel xun maraysa.

Khudbad uu jeedinayay afar iyo toban daqiiqadood ayaa laga dhadhansanyaya dhawaaq cadho badan xambaarsan, kaasoo intiisa badan ku dhaliilayay dhinacyada siyaasada oo uu tilmaamay inay inay fidmo qabyaaladdeed ku dhex tuureen Ciidanka Qalabka sidda ee dalka Difaacaya.

Halkan ka daawo:

Inkasta oo cadami sidan sheegay, hadana waxa xaqiiqo ah inaan Habeenkii dilku dhacay Aqalka Madaxyooyada Somaliland aanay ka soo bixin tacsi madaxweynuhu ka soo saaray dhacdadan dilka ahayd oo argagax iyo naxdin badan ka abuurtay dalka oo dhan.

Sidaasoo ay tahay waxa xusid mudan inaanay bulshada inteeda badani dhaadin arrintaasi balse shalay iyo maanta uun hadal haynta dadka laga maqlay sheekadaasi.

In ku dhow todoba askari oo qaarkood saraakiil yihiin ayaa loo xidh-xidhay dilkaasi, kuwaasoo lagu eeddeynayo sababta u baxsaday Ninkii dilka geystay.