Monday, September 22, 2014

“Korneyl Xaaxi Cidii Dishay Waanu Garanaynaa"Suldaan Galaal

Galaal

“Reer Boorama Waxaan U Dirayaa Tacsi Iyo Hambalyo Sida Gobanimadda Leh Ee Ay Yeeshay Inankii Dhintay Ee Sarkaalka Ahaa.”
 

Suldaan (Gobanimonews) 22-9-2014-Maxamed Cabdillaahi Xuseen Galaal oo ka mid ah Salaadiinta qayb weyn ka soo qaatay nabadayntii Somaliland, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabkii Reer Gebiley uga jawaabeen Dilkii loo geystay labadii Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu diley Deegaanka Qori-lugud.

Suldaan Galaal oo xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Saxansaxo, isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dilkii Saraakiisha Ciidanka Qaranku uu ahaa mid ka dhex dhacay Xero Ciidanku leeyahay, balse aan lagu eedayn reer ama qabiil.

Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen Galaal, waxa uu xusay in ay Somaliland oo mareen dilal kala duwan oo loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka, kuwaas oo uu sheegay in qaarkood lagu diley Shirqool, balse iyada oo aan reerro lagu eedaynayn, isla markaana dadka mudaharaad lagu kicin miyir qabta loo xaliyey, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya Suldaanku “Adeer, marka hore waxa aan tacsi u dirayaa labadii Sarkaal ku dhintay Jiidda hore ee Ciidanka Qaranka, waxaana aan leeyahay meel kasta oo uu tegay Dawladda ha doonto oo ha la soo qabto gacan ku dhiiglihii raggaasi qiimaha badan inaga dilay waxaana aan leeyahay dadkii uu ay ka dhinteen Samir iyo iimaan ALLE haydinka siiyo Somaliland o dhan ayey ka dhinteene”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Intaasi ka dib Shilkan oo kale meel walba adduunyada way ka dhacdaa, waana hawl dawladda u taala, waxaanse u sheegayaa qoladda reer Gabiley inay nabadgelyadda ilaaliyaan, waayo waxa aan xasuusta Sarkaalkii Sare Ciidanka Maxtooyadda haystay ee Dhulbahante ahaa wakhtigii Cigaal Xeradda ayaa lagu toogtay oo lagu dilay, dawladda ayaana dhameysay qabiil muu noqon cid uu ka dhashay oo wax tabatay ama wax dhameysay ma jirto, oo nin ciidanka ka mid ahaa oo shil ku dhacay ayuu ahaa Madaxweyne Cigaal ayaa dhameeyey Alle ha u naxariistee. Waxa ka dambeeyey Korneylkii Ciidanka Qaranka ee qeybta 31-aad haystay ee Korneyl Xaaxi sabab la ogyahay ayuu ku dhintay, waxa aanu ognahay cidii dishay mana aha waxa ay ku sheegeen oo shirqool ayaa lagu sameeyey oo wakhtigaa cidii dalka xukumeysay ayaa shirqool ku sameysay oo halkan ayaa laga dilay oo kii dilkaasi geystay waa Maxbuus oo haddii aanu Beeshiisii (Ciida-galle) nahay waanu aamusnay oo waxa aanu nidhi yaan fidno dhicin oo dhulbahante ayaa dilay iyo cid ayaa dishay toona maanaan odhan oo ninkii dilay ayaanu garaneynaa oo Xabaashiisii (Marxuun Xaaxi) ayuu na la joogay oo waxa uu igu yidhi Suldaan galaaloow Kun ayeynu u dilaynaa markaas ayaan hoosta ka qoslay hada waa kii dilay”

Suldaan Galaal, waxa uu ka dhawaajiyey in aanu marnaba ogoleyn in dalka laga sameeyo wax nabada wax u dhimaya, waxaanu yidhi “Marka haddii aanu Ciidagalle nahay Somaliland ayaanu nahay oo nabadda annaga ayaa keenay waananu garaneyna ciddii Xaaxi dishay hadana waanu aamusanay, markaa cida nabad gelyadiisa wax yeelaysa waanu ka soo horjeedna mana ogolin in aad nabadgelyadda waxyeeshaan ma aqbaleyno waxana la og yahay cidii dishay raggii reer Boorame ee in maanta laba Inan oo Saaxibo ahaa oo dhintay waddanka dhan loo qaribo ma aqbaleyno nabadgelyaddana annaga ayaa keenay”

Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen, waxa uu bogaadiyey dadka reer Boorama oo uu sheegay in ay si geesinimo ah ka yeeleen dilkii labada Sarkaal oo mid ka mid ah dhalasho ahaan ka soo jeeday Boorama, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan halkan Hambalyo iyo Tacsina a dirayaa qoladda reer Boorama sida gobanimadda leh ee ay yeeshay Inankii dhintay ee Sarkaalka ahaa oo sidii Xaaxi aanu ka yeelay ayey iyaguna ka yeeleen, waana niman xigaal ah oo waa niman Tol ah oo waa Samaroon Siciid S Daa’uud weeyaan waxaana aan u cadeynayaa Samoon Siciid Daa’uud iyo Daa’uud Garxajis( Ciidagale) waa mid qudha waana walaalo oo waa Ilmaadeeradayo Samaroon waxaana aan ku hamblyeynayaa sida gobanimadda leh ee ay yeeleen,marka qoladda reer Gabiley waxa aan leeyahay waar idinka ayeyba Hantidda qaranku idin soo marta ee Caruurta ha kicinina nin Sarkaal oo dhalin yaro ah ayaa inaga dhintay ALLE ha u naxariistee, waana sir Ciidan oo Ciidanka ayaa ku shaqo leh oo Xaaxi oo Korneyl ah ayaanu aamusnay anaga oo og cidii dishay ee ha na xasuusinina ma yeeleyno shalayna Samaroon ayaa aamustay iyada oo Meydkooda la dhigay”

Suldaan Galaal waxa uu u soo jeediyey Xukuumadda in ay soo qabato gacan ku dhiiglihii diley labada Sarkaal, waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay aniga oo ah Suldaankii Nabadgelyadda Somaliland Ciidagalle ma aqbalaayo in nabada la baabiyo dawladdana waxa aan leeyahay oo Madaxweynaha u soo jeedinayaa dawladdu ha la doono gacan ku dhiiglihii waxan sameeyey waa in deg deg loo soo qabto meel kasta oo uu joogo”

Sources By Wargeyska Saxansaxo

Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Gobanimonews/Hargeysa Office /Somaliland