Monday, September 29, 2014

Somaliland oo fasaxday Telefishanka UNIVERSAL

Mulkilaha UNIVERSALTV oo sheegay inay Somaliland Xayiraadii ka qaaday Wuxuu shacbiga iyo Dawladda Somaliland ka raali-geliyay barmaamujyadii Madaxweynaha lagu dacaayadeeyay...

UNIVRSALHargeysa(GNA) Mulkiilaha Telefeeshinka Caalamiga ah ee Universal TV Eng. Axmed Abubakar ayaa Dawlada iyo Shacabka Somaliland raaligalin ka siiyey Baranaamij hore uga Bixi jiray Telefiishankaas oo la odhan jiray Faaliyaha Qaranka, kaasoo si weyn looga dhibsaday Somaliland, kaddib markii horaantii sanadkan barmaamujkaasi lagu aflagaadeeyay madaxweynaha.

Tani waa raali-gelintii labaad ee ka soo baxda madaxda Telefishankaasi oo markii barmaamujka baahiyay dalka laga madnuucay, waxaana hore raali-gelin burtay bixiyay Agaasimaha Tv-ga ee Somaliland Maxamed Caabi Digaale.

Raalin-gelinta labaad ee uu Mulkilaha Telefishanku jeediyay Axaddii shalay, waxay muujinaysaa in xal laga gaadhay wada hadalo bilihii la soo dhaafay u socday Xukuumadda iyo Maamulka Telefishanka oo nuxurkoodu ahaa inay xayiraada ka qaado Xukuumaddu.

shirjaraa’id oo uu shalay qabtay Mulkiilaha Guud ee Telefeshinka Universal TV, Eng. Axmed Abubakar waxa uu ku sheegay in Telefishankiisu uu yahay mid dhexdhexaad u ah Bulshada soomaalida oo dhan.

“Tefeshinka Universal waa Telefeeshin dhexdhexaad ah una dhexeya dhammaan Dadka Afka Somaliga ku hadla, Siyaasada Telefeshinkuna waa mid dhexdhexaad ah oo aan Duullanku ahayn Dad gaar ah ama Deegaan, ama Dawlad, runtii waad ogtihiin in Barnaamij ka bixi jiray Telefeeshinka oo la yidhado Faaliyaha Qaranka, ay dhibsadeen Dawlada Somaliland iyo Shacabka Somaliland, waxan halkan ka cadeynayaa in Barnaamijyadaasi aanan ujeedo gaar ah ka lahayn waxanan Raali Galin ka bixinayaa Barnaamijyada ay dhibsadeen Shacabka iyo Dawlada Somaliland, waxanu ka maamul ahaan Rajeynaynaa in Universal TV Hawlihii shaqo dib ugga bilaabo Somaliland”, ayuu yidhi Eng. “ waxanan Shacabka Somaliland u sheegaya in Telefeshinka Universal aanu waxa Siyaasad ah aanu Xambaarsanayn oo ka soo hor jeedda Shacabka iyo Dawlada Somaliland, Shacabka Somaliland waxan u sheegaya Telefeeshinka Universal waa Telefeshinkiini awalba idiin shaqeyn jirray haatana waxanu rabnaa in shaqadii halkii uu ka siiwaaddo.”ayuu yidhi Guud ee Telefeeshinka Caalamiga ah ee Universal TV Eng. Axmed Abubakar.

Eng, Axmed ayaa sidoo kale u mahad celiyay dadkii ka qayb qaatay dib u soo celinta xidhiidhka dawladda iyo Telefishanka. “Waxa kale oo aan halkan ugga mahad celinayaa dhammaan Dadkii ka qaybgalay in Xidhiidhka Telefeshinka Universal iyo Dawlada Somaliland dib u soo noqdo, oo ay ka mid yihiin Salaadiin, Wasiiro, iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ka gayqaatay midho dhalka heshiiskii Universal iyo Xukumada Somaliland, Mar labbaad waxan odhan lahaa Telefeshinka universal waxa uu Dawlada iyo Shacabka Somaliland u hayaa qadarin iyo xishmad.”ayuu yidhi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha mowqifkeeda ku aadan hadalka ka soo baxay Maamulka sare ee Telefishanka Afka soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL, kaasoo ay xukuumaddu ku xaqiijisay inay qaaday xayiraadii iyo in kale telefishankaas.

balse sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhinaca dawladda ku dhadhow bishii la soo dhaafay kulan dhex maray Masuuliyiinta xukuumadd iyo Maamulka Telefishanka, ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo sida ay sheegeen xubno ka mid ah shaqaalihii ka howl-geli jiray qaybtiisa Hargeysa, laysku fahmi waayay xayiraad ka qaadis.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com