Wednesday, September 24, 2014

xisbiga kulmiye oo qaabilay masuuliyiin ka digo rogtay waddani kuna biiray kulmiye

wadani

 

sawiro wararka 20140923_104938 - Copy

Hargaysa(Gobanimonews)Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa Munaasibad soo dhaweeyn ah u sameeyey Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka soo digo rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kuna soo biiray Xisbiga Kulmiye.

Masuuliyiintan oo kala ah Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani Salaax Muxumed Idiris (Shiine),Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex  Yuusuf Cabdillaahi Ceelaabe iyo Dayib Xaaji Cali Adan oo muddo dheer ka tirsanaa xisbigaa kana mid ahaa dadkii aasaasay iyo sidoo kale Taageerayaashoodii, Manaasibadan soo dhaweeynta oo lagu qabtay Crwon Hotel ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha ku xigeenka  Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin , Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir, Wasiir ku xigeenka Gashaan-dhiga, Maayarka Caasimadda, Xildihbaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Salaadiin ,Cuqaal, Waxqarad, Dhalinyaro iyo Taageerayaal aad u tiro badan.

Guddoomiyihii Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex, Salaax Muxumed Idiris (Shiine) oo isagu ugu horeyn hallkaas ka haday ayaa waxa uu ka waramay sababta ku keliftay inuu ka soo baxo Xisbiga Waddani, kuna soo biiro Xisbiga Kulmiye, waxa uu yidhi “Maanta, waa Maalin qiime leh, oo marka aan waxyaabo badan isku geeyo, laba farxadood ayaan gudoonsanahay, waxaana u maleeynaya in aanu anagu noqon doono Dawadii ku soo biirtay Xisbiga Kulmiye, awal waxa la odhan jiray Xukuumaddii iyo Kulmiye ayaa is haysta, marka inuu ILLAAHAY anaga naga dhigo Dawadii Alxamdulilaah dhaha, bariyahan waxa aan la yaabana Afsoomaaliga uu ku jawaabi jiray Kulmiye markii uu Mucaaradka ahaa, talow muu ka hambsaamay ayaan idhi, Mucaaradkana anaga ayaa ku soo jirnay, oo waxa aanu odhan jirnay Dhagaxaan ayaa  dhulkaas la dhiga, oo waanu ku turun turoon,waxaan soo maaruun Fooq dhisan, Shalay (Doraad), ayaan is yidhi waa adigan Xukuumadda galaaye bal Wasaaraddaha gal, waan farxay, oo qiiro kale ayey I galisay,waxa aanu ahaan jiray Caasimad Gobol, balse intii ay Xukuuamddani qabsatay waxa ay noqonay Caasimad Qaran, oo waxa aynu ku jiri jirnay, markii hore Xafiisyada Wasaaraddu waxa ay ahaan jireen Wasaarado Xafiisyo Gobol, balse hadda waxa la inoo dhisay Wasaaraddo Xafiiyo Qaran ah”.

Saalax Muxumed Idiris (Shiine), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aan halkan Maanta (Shalay), ka caddeynayaa inaan ku soo wareegay Xisbiga Kulmiye,waxa aan kale oo aan halkan ka caddeeynayaa in aniga oo hore iskaga casilay Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee Waddani, inaan iska casilay Guddii fulinta iyo Golihii Dhexe ee Waddani iyo sidoo kale Xubinimadii, laakiin mid ayaan iska casilalayn oo waxa aan ahay aasaasayaashii , oo Hantiile ayaan ahaa, oo Afar iyo Labataan Nin ayaanu ahayn, oo waxa nagu jiray Laba Dumar ah, Khadiija Boodare iyo Inan Casha la yidhaahdo ayaa nagu jiray, Afar ayaa naga dhigtay, oo qaar ayaa meelahaas xittaa baralaati u jiifa, qoladiinana Kulmiye waxa na haystay oo na qabsaday Damal Jadiid”.

Salaax Muxumed Idiris (Shiine), isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan idiin caddeynayaa waxa aan Xisbiga Kulmiye ku jeclaaday, waxa ay Xisbiyadu leeyihiin Xeerar, ee aan u fiirsaday dhaqankoodii iyo qaabkoodii, waxaana arkay in Xisbiga Kulmiye ku fadhiyo Xeerka 14,  oo Shirweyne Shirweyne ku dhexeeya ma jiro, oo Gole dhexe la iska sameeysto, Shirweyne Shirweyne ka dhexeeya oo Guddi Fulineed la iska sameeysto ma jiro, Shirweyne Shirweyne ka dhexeeya oo Hogaan la iska sameeysto ma jiro, Labada Xisbi ee kale wey leeyihiin,  waa waddo furan, oo Xeer 14 ka jabinaya,  Dastuurka ka hor imanaya, waxaan leeyahay Labada Xisbi Mucaarid waa inaad ilaalisaa Xeerka 14-aad, sababaha aan isku casilay, maaha waxa halkan ka sheegi karo, oo aan soo koobi karo, oo walibana aan sharaxi karo, Xisbiga Waddani labadaas Inan wey duqeeyeen, aniga se wey iga baydheen, oo waxa ay is yidhaadeen  Xogogaal ayuu yahay,waxayna yidhaahdeen maaha Guddoomiye ku xigeenkii labaadba maaha, oo Ragga sidaas sheegayana markii uu Xisbiga joogay, may joogeen, hanta iyo xoolaha badan ee kaga baxay, ma oga, ee Ninka aniga ila doodaya Miiska hor kaalaya, Maanta laga bilaaba Nin dooda Kulmiye ku hadlaya ayaan ahay, Nin dariiqa taagan ayaan ahay, haddii aad edab yeelan weydaana wax badan oo aanan sheegayn ayaanu warbaahinta iskaga hor iman doonaa”

Daybi Xaaji Cali Aadan oo isna ka mid ahaa Garabka Dhalinyarad heer Qaran ee Xisbiga Waddani oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Anigu wax aan ahaa Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee XIsbiga Waddani, waxa aan ka mid ahaa Musharaxiintii XIsbiga Waddani ee Golaha Deegaanka, waxaana ayaan daro ah in dad markii hore aan ku jirin Xisbiga inay na dhaleecayn”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Maroodi-jeex ee XIsbiga Waddani Yuusuf Cabdilaahi Ceelaabe oo isna halkaas ka hadlay ayaa bixiyey waxyaabihii ay uga soo baxeen Xisbiga Waddani, iyo sababta ay ugu soo biireen Kulmiye, waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye yahay Xisbi aad u wanaagsan, oo soo dhaweeyn iyo qaabilaad wanaagsan kala kulmeen, waxaanu xusay inay si fiican ugu shaqayn doonaan.

Maayarka Caasimadda Cabdilraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu farxsan yahay in Saddexdan Masuul ku soo biiraan Xisbiga Kulmiye, isaga oo sheeggay in wakhtigii Ololaha ay si fiican u soo wada shaqayn, madaama ay Saddexdan Masuul ay ahaayeen Musharaxiin Golaha Deegaanka ee Caasimadda”.

Guddomiyaha XIsbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, oo iyana Munaasibaas ka hadlay ayaa  waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay Masuuliyiintan iyo Taageerayaashoodu ay ka soo digo rogtaan XIsbiga Waddani kuna  soo biiraan Xisbiga Kulmiye, waxayna sheegeen inay ku rajo weyn yihiin inay Xisbiga si weyn ugu hawl geli doonaan,uguna shaqayn doonaan.

Qaar ka tirsan XIlidhbaanada Golaha Wakiilada, Saladiin iyo Cuqaal oo iyana halkaas ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey Masuuliyiintan iyo Taageerayaashan Xisbiga Waddani ka soo digo rogtay, kuna soo biiray XIsbiga Kulmiye.”