Sunday, September 21, 2014

Gabadh u dhalatay Somaliland oo ku biirtay Hollywood

[caption id="attachment_98825" align="alignleft" width="400"]Khadiija Cali waxay yaraanteedii ku noolayd Hargeysa Khadiija Cali waxay yaraanteedii ku noolayd Hargeysa[/caption]

Gabadh Soomaliyad oo ka soo jeeda Hargeysa ayaa ku biirtay Shirkadda soo saarta Aflaanta ee Hollywood, waxaanay ka mid noqotay jileyaasha haatan loogu jecelyahay kooxdaas.

Khadiija Cali oo ah Gabadh dhalinyaro ah, ayaa ka qaybqaadanaysa film cusub oo dhawaan soo bixi doona, kaasoo laga sameeyay dhibaatooyinka haysta Hooyooyinka soomaaliyeed ee dibada u qaxay, waxa film-ka ay soo saarayso magaciisa la yidhaahdaa( strip takes) oo macneheedu noqonayo Bakhtiyaa nasiibka.

Khadiija waxay yaraanteedii ka tagtay Magaalada Hargeysa oo ay yaraanteedii qoyskooda kula noolayd, waxaanay aaday dalka Kanada, halkaasoo ay ilaa hada ku nooshahay.

Haweenaydan ayaa hada Film-da ay jisho si weyn looga daawadaa dalalka Maraykanka iyo Kanada, iyadoo caan ka noqotay kooxda Hollywood muddooyinkan dambe.

Waxa lagu doortay quruxda iyo hab jilisteeda aasaasiga ah, ayaa lagu sheegay warbixino ay ka qoreen baraha Internetka ee Soomaalidu.

Hadaba waxaanu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa Wareysi dhawaan uu la yeeshay Telefishan afka Soomaaliga ku warama oo laga leeyahay dalka Canada.
Halkan hoose ka Daawo Waraysi dhamaystiran oo lala yeeshay Khadija:[youtube http://www.youtube.com/watch?v=7zCYA-4VESg&w=500&h=281]