Saturday, September 27, 2014

Diwaan Galintii Madaniga Ahayd Oo Istaagtay Iyo Shaqaalaha oo qalabkii Wasaarada ku hor daadiyay

Badhasaab Ku Xigeenka Rashiid Axmed Maxamed oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay Cuqaasha isku af Garteen In ay bilaabaan Diwaan galinta,Hargaysa(GNA)Cuqaasha Iyo Dhalinyaradii Loo soo xulay in ay Diwaan Galinta Madaniga ah Saaka Bilaabaan ayaa istaagtay ka dib markii lacago loogu talo galay Ay Wayeen.Badhasaab Ku Xigeenka Rashiid Axmed Maxamed oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay Cuqaasha isku af Garteen In ay bilaabaan Diwaan galinta,Halka ay Caaqiladuna arintaas beeniyeen,shegeena in ay wali taagan tahay Diwaan galintii.








Qalabkii Lagaga shaqaynayay Diwaan galinta ayaa shaqaalahi dhamaan keenay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Horteeda kuwaas oo Iyana Cabasho Xoogan ka muujiyay Lacagaha ay ku shaqaynayeen oo kala dhantaal may.

Ugu Horeyna Badhasaab ku xigeenka Rashiid Axmed Maxamed oo shir Jaraa’id

 



Ku qabtay Xarunta ayaa sheegay in ay isku af Garteen in shaqadii Diwaan galinta La bilaabo waxaana uu yidhi”









“Dadka Bil Aadanka ahi waxa ay iska jecel yihiin in ay Wax Korodh Sadaan,Dhaqaale ahaan wixii loo qoon deeyey ee loo bandhigay Waanu u haynaa,Hadii Qawad Yimidna wuu iska dhamaaday,Hawshina Si wanaagsan ayay noogu socotaa waana ay Shaqo Galeen Cuqaashi Wax inaga xumina Majiraa.

Lacagta loogu Talo Galay Salaadiintu in ay ku hawl galaan Ayaa sida uu sheegay Badhasaab ku xigeenku waxa ay dhan tahay 3 Dollar Maalintii,Halka ay Ardayda Jaamacaduhana Ku hawl galayaan Maalintii 13 Dollar,Balse waxa iyaguna Arintaas ka biyo diiday Cuqaasha Kuwaas oo Shir ay ku lahayeen Xarunta Badhasaabka Kasoo Dareeray.

Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Moroodi Jeex oo ka hadlaya Lacagta Iyo duruufaha keenay in Loo qoon deeyo ayaa yidhi”

“Marka Horeba Waxa aynu Nahay Dawlad Yar oo hada soo kacday,Ciidanka Somaliland Waxa uu ku Shaqeeyo Waad ogtihiin,Shaqaalahu waxa ay ku shaqeeyaan waad la socotaan,Duruufta Dhaqaale ee dalka ka jirta ayaa sababtay in Lacagtaas loo qoondeeyo,dhaqaale waxa aynu ka hag-ranay Majirto,hadii aynu maanta nidhi kaadhkii dhalashada dalkeena haloo sameeyo in ay kacanta qabtaan mooyaane yaanay Turaan Turayn.

Caaqil Siciid Cabdi Jaamac oo ku hadlayay Afka Salaadiinta Ayaa sheegay inaanay waxba ku heshiin Maayarka,Badhasaab ku xigeenka iyo Wasiir ku xigeenka Amniga,Waxaana ay cadeyeen in ay dhamaan shaqadii Diwaan Galinta Faraha ka qaadeen waxaana uu yidhi”

“Arintaas waxaanu ku heshiinay Majiraan,Waxaanu Sugaynaa wasiirkii Arimaha gudaha,Wax Danbe oo kasoo baxa Mooyaane waxaanu ku heshiinay majiraan,Kulan aanu layeelanay Bashaabka waanu isku diidnay waanan kusoo kala kacnay,Qorshahaygu waxa weeyaan inaanu ku dhaqano Go’aanka aanu isla qaadano salaadiin ahaan,Lakiin Hada waxa diwaan galin oo socotaa Majiro Dhamaana way istaagtay.

Waxa uu sheegay Caaqil Siciid in ay wada shaqayntii joojisay wasaarada arimaha gudaha somaliland oo Wixii Ay caaqiladu shaaha ka dhiganayeen Jirtay una badashay sida uu sheegay Lacag aanay isku ogayn”

“Lacagtii lagu shaqaynayay Ayaa waxa Goostay Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland,Anagu shaqadii Maanaan joojin ee waxa joojisay Xag Naga saraysa,Sadexdaas Dollar Cuqaashu way diiday waxa la isku ogal Yahay oo Danbe mooyaane hada waanagaas kusoo kala kacnay.

Si kastaba ha ahaatee Dhamaan Waxa istaagay Diwaan galintii Madaniga ahayd ee saaka la doonayay in ay ka bilaab Mato Magaalada hargaysa,waxaana loo hakiyay Siday ay Noo shegeen Caaqiladii iyo Ardaydii jaamacadaha ee loo soo Xulay In ay Diwaan Galinta Wadaan.

Waxaana la sheegayaa in ay u joojiyeen Lacago ay wasaarada Arrimaha gudaha somaliland Siday noo shegeen Batanka u gashay,Waxaana Ay caaqiladu Shir ay la galeen Badhasaab ku xigeenka,Moyarka Caasimada iyo Wasiir Ku Xigeenka Amniga in ay isku Af Garan waayeen.

Mstafe axmed(Herer)


GobanimoNews/Office

Hargaysa/Somaliland

Hadhka02011@gmail.com