Sunday, September 21, 2014

Shan Arrimood Oo Haddii Aad Caadaysato Xilliga Shaqada Kaa Ilaalinaya Daalka Iyo Niyad-Jabka

images (1)Hargeysa (GNA)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysay qormadii uu Wargeyska Geeska Afrika ugu kuur galayeu ficillada haddii u qofku uu caadaysto marka uu goobta shaqada joogo, ka ilaalinaya hurdada iyaga oo aan waqtigiisa shaqadana waxba u dhimin. :

 

  1. Xarakaadka jidhka: Saacadaha badan ee aynu xilliga shaqada ku fadhinno kursiga, innaga oo kala habaynayna, diyaarinayna isla markaana qorayna dhukumantiyo, xisaabo ama kombiyuutar ku shaqaynaynaa waxa ay keentaa daal iyo lulo, sidaa awgeed waxaa fiican qofka shaqdiisu fadhigan tahay, marka uu muddo yar fadhiyaba mar kaco si uu jidhkiisu xarakaad u sameeyo, tusaale ahaan in uu sallaanka fuulo, in uu is kala yara bixiyo iyo in uu xafiiska yara dhex socdo.


 

  1. Dad la hadalka: In dadka aad la hadashaa waxa ay kaa duulinaysaa lulada, waxa aanay furfuraysaa naftaada oo laga yaabo in ay ku beerto farxad iyo firfircooni. Qofka kuugu dhow ereyo kooban is weydaarsada, ama qof saaxiibadaa ka mid ah talefanka daqiiqado kooban kala hadal, kadib shaqadii dib ugu noqo.


 

  1. Biyaha: Biyaha iyo dareeraha kaleba waxa ay jidhka siiyaan qoyaan iyo tamarta uu u baahan yahay, waxa aanay qofka ku beeraan firfircooni, sidaa awgeed waxaa fiican in qofku uu xafiiskiisa dhigto caagad biyo qabow ah, oo uu hadba yara kabbado si caajiska oo hurdada keenaa uu uga duulo. Biyuhu waxa ay jidhka ka nadiifiyaan suntan siyaabaha kala duwan ugu samaysanta ama cuntada ka dhalata.


 

  1. Neefsiga fog: In uu qofku qaato neef dheer (Neef badan hal mar dib u nuugaa) waxa ay jidhka ka caawisaa in uu helo neefta oxgyne ee uu u baahan yahay oo intii hore ka badan, taasina jidhka iyo maskaxdaba waxa ay gelisaa firfircooni. Laakiin waa neefsi muddo marka la joogaba mar ah.


 

  1. Ciyaarta: Haddii talefankaaga gacanta ama kombiyuutarkaagu uu leeyahay ciyaar iska jir in aad waqti badan ku lumiso raadinta akhbaarta asxaabtaada iyo in aad dhex mushaaxdo bar-kulannada bulshada iwm. Dhammaad


download (2)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gobanimonews.com