Monday, September 22, 2014

Somaliland oo ku dhawaaqday Shir lagaga hadlayo Ganacsigeeda oo Uk Marti-gelisay.dhegeyso

[caption id="attachment_98903" align="alignleft" width="300"]Wasiirka Arrimaha Dibada oo ku dhawaaqay Shir Ganacsi Wasiirka Arrimaha Dibada oo ku dhawaaqay Shir Ganacsi[/caption]

Hargeysa(GNA)- Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay ka qayb-gelayso Shir Caalami ah oo Ingiriisku qabanayo ka qayb-gelaysa Shir lagu qabanayo London oo looga hadlayo Ganacsiga.Dhegeyso:

Wasiirka Arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in Dawladda iyo Ganacsatada lagu soo casuumay Shirweyne Ganacsiga Somaliland lagaga hadlayo oo ay ka qayb-gelayaan dawladda iyo Ganacsato ka kala socda Afrika iyo Yurub.

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu shirkaasi muhiimad weyn u leeyahay Ganacsiga Somaliland, kaasoo furmaya 14 Bisha October, “ Dawladda Ingiriisku dalal badan ayay u qabatay Shirar noocan ah oo kale, maanta waxay la yeelanaysaa Somaliland” ayuu yidhi Biixi.

Wasiirka ayaa Ganacsatada Somaliland ugu baaqay inay dawladda kala shaqeeyaan sidii looga qayb geli lahaa, Shirka “ markaa waxaan doonaynaa inay Ganacsatadu nagala shaqayso wacyi-gelinta sidii shirkaa looga qayb geli lahaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Halkanka ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasirka-Ariimah-Diibada-oo-Shaciye-Shiri-lagu-Marti-Qaday-Somaliland-oo-Ka-Dhici-Dona-Engiriska.mp3"][/audio]

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’addaha Maamulla Ganacsiga Somaliland ee dawladda iyo Ganacsatada laftooda, hase ahaatee wasiirka u hadlay Xukuumadda ayaa sheegay in Shirkani fursad dahabi ah siinayo Maal-gashadeyaasha Ingiriiska ee danaynaya inay ka faa’idaystaan Khayraadka Somaliland.

Dawlada Ingiriiska ayaa hore u marti-gelisay Shirar noocan oo la yeelatay Dawladdaha Malawi, Djibouti, Somalia iyo Wadamo kale oo afrikaan ah.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com