Saturday, September 27, 2014

C/raxmaan C/qaadir oo isu dhiibay Siilaanyo isagoo dhaawacyadii Kulmiye qaba

Madaxweyne Siilaanyo oo Siyaasigii labaad kala soo dhex baxay Madashada wada-tashiga iyo qorshaha uu damacsanyahay

siilaano iyo inaHargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa toddobaadkan dhammaaday qasriga madaxtooyada ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo hore u ahaa guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE, balse shirkii saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE xilka lagaga qaaday si jujuub ah islamarkaana awood ciidan madashii shirka lagaga saaray.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir sidii xilka looga qaaday iyo dhaawacii loo geystay, waxay ka mid tahay godobaha siyaasaddeed ee Madaxweyne Siilaanyo loo tirinayo, iyadoo hortiisa lagu jiijiiday, isla markaana dhabarka lagaga jabiyay.

Saddex sanaddood oo uu Kulmiye dibada ka ahaa, isla markaana uu u muuqday Mucaaridka koowaad ee ee xukuumadda, isagoo tirsanaya godobtii laga galay iyo dhaawacii loo geystay, wuxuu cabdiraxmaan mar kale gacanta u dhiibay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo cafiyey kana aqbalay wada shaqayn dambe oo dhex marta.

Tani waa debecsanaan siyaasaddeed oo uu muujiyay siyaasigan furfurnaanta looga bartay intii uu hogaanka Kulmiye ka tirsanaa, waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo dalbaday dib u soo celinta saaxiibtinimadii Cabdiraxmaan Cabdqaadir.

Iyadoo ay maalmahanba soo baxayeen hadal haynta kulamo dhex maray Madaxweyneha iyo Siyaasigan, warbixin uu maanta daabacay wargeyska Geeska Afrika, ayaa lagu sheegay in muddo loo kala dab qaadayay ka dib ay ugu dambayn Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku kulmeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu sheegay in dood iyo garnaqsi ka dib ay Madaxweynaha iyo siyaasigani iska cafiyeen wixii dhacay ee ahaa qardoofooyin siyaasadeed, islamarkaana la isla gartay in la bilaabo jawi cusub oo siyaasadeed. Warku wuxuu intaas ku daray in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir aqbalay soo jeedin uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay oo uu nuxurkeedu ahaa in mar haddii la is cafiyay si toos ah loo wada shaqeeyo, lana joojiyo wixii hadalo ahaa ee warbaahinta la isu marin jiray.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaan ka qayb gelin shirkii jaraa’id ee u dambeeyay ee ay masuuliyinta madasha wada tashiga oo uu ka tirsanaa sida adag ugu dhaliileen Madaxweyne Siilaanyo.

Inkastoo uu shalay ka qayb galay casuumad ay dhallinyarada bariga Hargeysa u sameeyeen madasha wada tashiga haddana wax hadal kama uu jeedin.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale ay Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isla qaateen in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid noqdo golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer la hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono, waloow aan la saadaalin karin cidda lagu bedeli doono.

Cabdiraxmaan Cabdiqadir ayaa xilkii guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE si jujuub ah lagaga qaaday bishii April ee sannadkii 2012 markaas oo uu socday shirkii saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa wakhtigaas ka dib wuxuu dhaawacyo soo gaadhay u galay cisbitaalo ku kala yaala magaalooyinka Hargeysa iyo London ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Qaabka wakhtigaas loola macaamilay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay kala kulmeen cambaarayno maxali ah, intaas ka dibna wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid ahaa siyaasiyiinta madasha wada tashiga oo si adag uga soo horjeeda siyaasada hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo.

Xeelad siyaasaddeed

Siyaasigan oo noqonaya xubintii labaad ee madaxweyne Siilaanyo kala soo dhex baxo Dalada isku magacowday Madasha wada-tashiga, ayaa ujeedada ka dambeysa lagu xidhiidhin karaa qorshe lagu lagu shiiqinayo saameynta siyaasaddeed ee Odayaashaasi.

Hore waxa uga baxay oo gacanta xukuumadda galay Xildhibaan Saleban Cali Koore oo ka mid ahaa aasaaseyaashii Madasha, raggii ugu hadallada cad-caddaa, kaasoo hada isugu biyo shubtay Muxaafid, balse aan wax badan ka bedelin miisaankii Kooxda uu ka soo baxay, isla markaana aan ku dhaqaaqin qorshe uu isugu soo dhaweynayo saaxiibadii iyo Xukuumadda.

Muran kuma jiro in sababta uu siilaanyo gacanta ugu dhigay Ina cabdiqaadir ay tahay sidii uu u baabiin lahaa Madasha wada-tashiga, balse su’aasha hada lays weydinayaa waxay tahay ma noqon doonaa siyaasigani mid isku soo jiida labada dhinac.

Suurto-galse ma tahay inuu sidii xisbinnimada ula shaqeeyo Siilaanyo, sidayse u arki karaan saaxiibadiisii hogaanka Kulmiye ee dhabarka ka toogtay, kuwaasoo aynu ka xusi karno Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com