Tuesday, September 23, 2014

Daawo:Hargeysa iyo Garoomadda Dooga leh ee Kubbada lagu ciyaaro

vlcsnap-2014-09-22-23h39m43s82Magaalada Hargeysa ayaa beryahan dambe waxa ka soo badanaya Garoomada Kubbada ee lagu beero dooga, iyadoo loo eekaysiinayo kuwa Caalamka.

Arrintan ayaa dhiiri-gelin u noqotay dadka ciyaara iyo kuwa xiiseeya Ciyaaraha oo aad u soo dhaweeyey dhismaha Garoomadan cagaaran ee kubadda cagta iyo Basket Ball-ka lagu ciyaaro.

Garoonka Aadan Naytiin oo ka mida Garoomada noocan ah ee Magaalada Hargeysa laga sameeyay,kuna yaalla xaafadda Jig-jiga yar agagaarka Buurta kala jeexan ayaa soo jiitay dad badan oo xiiseya ciyaaraha.

Hadaba Barmaamujka Hargeysa iyo maxaa cuusb oo ka baxa Telefishanka Bulshotv oo ka mid ah saaxiibeyaasha Wakaallada wararka ee Gobanimo, ayaa todobaadkii la soo dhaafay warbixin ku saabsan Garoonkaasi ku soo qaatay Barmaamujka.

Halkan ka Daawo: