Monday, September 22, 2014

wafti ka socda Sudan oo booqasho ku jooga Somaliland

Weftigan oo isagu jira wasiiro iyo Ganacsato ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiinta wasaaradaha dawladda qaaarkood

20140922_103002Hargaysa(GNA)Wafti balaadhan oo ka kooban wasiiro lataliyayaal iyo gancacsato ka socday dalka  suudan  oo baryahanba booqasho ku joogay dalkani jamuuriyada soomaaliland ayaa waxa ay maanta  kor meer indho indhayn iyo isbarasho isugu jira ku soo mareem wasaaradaha waxbarashada  iyo dib udajinta waftigaasi oo uu hor kacaayay agaasimaha haayada sama falka siciid cabdi gaboobe ayaa  waxa  ay ugu horayn booqdeen wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland  halkaas oo ay ku qaabileen wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashad  tacliinta sare md axmed nuur faahiye  iyo agaasimaha wasaaradaasi Dr.Abiib iyo la taliyaha haayadaha caalamiga ah ee madaxweyne Siilaanyo,  waxaa ujeedada codaalkooda  ka war bixiyay agaasimaha haayada samafalka Somaliland md siciid cabdi gaboobe  oo sheegay in ay ka kooban yihiin 13 xibnood  isla markaana uu soc daalkoodu daaran yahay isbarasho iyo indho indhayn  intaasi kadib waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka taariikhiga ah ee  u dhexeeya somaaliland iyo suudaan  ugu horayn waxaa halkaasi ku soo dha weeyay  wasiiru dawlaha wasaarada waxa barashada  md axmed nuur faahiye  isaga oo ku dheeraaday  xidhiidhkii xaga waxbarashad ee ka dhexeeyay labada dal  isla markaana ka codsada in la soo celiyo xidhiidhkaasi  waxaana hadalkii wasiirka ka mid ahaa,  kusoo dhawaada dalkiinii labaad  somaaliland  iyo suudaan waxaa ka dhaxayn jiray xidhiidho badan  oo xaga wax barashada leh oo xaga fanka iyo heesaha leh  waxaanu nahay wadan soo koraaya waxaanu jecelaya in aad naga caawisaan xaga

 

20140922_102934    20140922_101928    waxbarashada  caafimaadka  oo  iskoola ship kii aad ardaydaayada siin jirteena aad na siiisaan Waxaa isaguna halkaasi ka

hadlay agaasimaha wax barashada oo isaguna ku dheeraday ahmiyada ay leedahay iskaashiga   xidhiidhka labada dal   iyo is dhex galka labada shacab ee somaaliland iyo suudan Waxaana dhinacooda halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka dalka suudaan md maxamed xamdi maxamed oo uga mahad naqay  sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen  isaga oo sheegay in uu ku farax san yahay nabada iyo dimuqraadiyada  ka hana qaaday dalkan iyo sida ay dadku u jecelyihiin nabada iyo horumarka  isagoo sheegay in ay Somaliland wax badan ka caawin doonaan  sida farsamada gacanta oo uu sheegay in uu macalimiin usoo diridoono dalan somaaliland dhanka caafimaadka oo uu sheegay in iyana uu waxs badan kala qaban doonaan  isga oo isaguna ku dheeradaaday xidhiidhkii labada dale ee taariikhiga ahaa,  dhanka kale waxaa  waftigaasi xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka wasaarada dib u dajinta  somaaliland md  axmed c/laaahi kaahin  wasiirka  oo isaguna ka sheekeeyay  xidhiidhkii somaaliland iyo suudan  ayaa waftigaasi ka cod sada in  dalka suudaan ka caawiyo somaaliland dhinaca ictiraaf raadinta iyo  dhinacyo kale  waxaan hadaladii wasiirka ka mid ahaa, waxnu doonaynaa in aad naga caawisaan  citiraafka ay somaliland  doonayso  in aad aduun  ka dhaadhicisaan, dalkani somaaliland wuxuu leedahay saxaafad xor ah  sida aad ogtihiin shacabka soomiland 100%100% waa dad muslim ah, dalkan waxaa jira dad badan oo barakaca ah waxaanu rajaynaynaa in aad gacan ka gaysandoontaan madaama aad tihiin dawlad muslim ah  , waxaana ay dhamaan waftigaasi balan qaadeen in ay sawirka ay somalilaand ka arkeen oo ah sawir aad u qurux badan ay u gudbin doonaan shacabkooda iyo dunida kaleba isla markaaa waxa ay wasiirka wasaarada dib u dajinta ka codsadeen in uu safar uu wasiirka arimaha dibadu ku iman doono dalka

20140922_092602suudan uu soo raaco , hadii alleh yidhaa.

Gobanimo news.office

Hargaysa/Somaliland.

Mustafe axmed herer.