Sunday, September 21, 2014

Baroordiiqdii maydka waa ka badh Siilanyo +gudiguurtida+saleebaan+xirsi+kulmiye

maqaalWaxaa dhacay dil ula kac ah oo loo fuliyey saraakiishan la diley ahaayeen dhalinyaro ka soo jeeda gobolada galbeedka Somaliland Ee Awdal iyo Gabiley .

 

Geeridu waa xaq waxaana qornayd inay ku dhinto qorigan balse waxaan meesha qaban shirqoolka lagu dilay sida qarsoodiga ah ee loo afduubay waalidka sarakiisha leeguna qasbay inuu ogalaado in meydka inankiisa loo aaso si qadarin la’aan ah waxaa nasiib darro inteeda leeg ah in saraakiishan oo qaran kooda xurmo iyo qadarinba ka mudnaa isla markaana ka mid ahaa saraakiisha da’da yare e beri in shirqool ula kaca aha loogu dilo ceradii ciidanka ay xukumayeen iyagoo salad maqrib tukanay gacan ku dhiiglihii falkan geystay uu si kalsooni leh uga baxsadey xeradii .

 

Weliba sida wararku sheegayaan loo diley sidii loo diley sarkakiishii NSS tii Faqash ee hargaysa sanadkii 1986dii hawlgalkaas oo ay fuliyeen halyeyadii SNM ahaa .

 

Waxaa intaa dheer M/weyne siilaanyo iyo gudoomiyaha guurtida saleebaan gaal oo ayisku hayb ahaayeen gacan ku dhiiglaha falkan fuliyey ayaan ilaa hadda ka hadal xataa aan ehelkii iyo deegaanadii ay ka soo jeedeen saraakiishan aan wax tacsi iyo tiiraanyo ah u dirin xataa aan muujin inuu falkan dhacay aya ka xun yihiin ??????????????????????????.

 

Waxaa taa ka sii daran afhayeenka madaxtooyada oo xalay ka hadlay mudaharaadka gabiley ayaa muujuyey uur-xumada xiqdiga uu u gabay bulshooyinka ay saraakiisha la diley ka soo jeedeen kuna sheegay askar ciidanka qaranka ka tirsan oo askari kale diley waxaanu muujiyey inayan ragan la laayey madaxtooyada iyo agtiisa taana aanay wax qiimo ah ku lahayn .

 

Waxaa nasiib daro inteeda leeg ah in madaxweyne siilaanyo oo islaamo ku dhintay oo ay isku hayb yihiin uu si weyn in tacsiyeeyo kuna sheego halgamayaal kulmiye ka dhintay balse uu cadaystay inaanay saraakiishani waxa qiimo ah agtooda kulahayn ????????????????????????? .

 

Horaa loo yidhi baroorodiiqdu meydka waa ka badh waxaa wax lala yaabo ah halkii ay xukumadu xiliska saar lahayd dilka saraakiishaas ee xataa aas qaran loo samyn lahaa koox wasiiro xirsi hogaaminayan loo diri lahaa halka loo doonaba halagu aasee si bahdilaad iyo xurmo la’aan ah loogu aaso degaankuu uu gacan ku dhiigluhu ka soo jeeday isla markaana uu ku dhuumanayey .

 

Taas oo uu muujinaysay bulshadakudhaqan Somaliland ee galbeedka kana soo jeedeen sarkaaladaas la shirqooley sida aanay xukumadu kulmiye waxa qadarin ah ku lahayn .

 

Waxaa taa dheer in wasiika arimaha gudaha oo la ogaysiiyay iinuu ka danbeeyey qaybna ka ahaa hawlgalkii ay sadexda nine e ciidanka qaranka ee lagu dulay xerada warshadii kabka ee ciidanka qaranka hargaysa ee kooxda isaxaaqu ku laysay isla markaana u horseeday inuu warancade ku helo jogada wasiirka arimaha gudaha ee uu hada hayo aanu ka hadal xataa tacsidii aanu iman .

 

Isaga iyo wasiirka gaadhaan dhiga mudane cadaami taana ilaa taliyaha ciidanka qaranka midkeedana isku soo wada duuboo ardaydii mudaharaadaysay ee muujiyey banaanbaxa salmiga ah markii ciidanka booliska iyo RRU-SPU loo dalbadey iyo maamulka gobolka ee sida la sheegay amarka ku siiyey RRU –SPU in rasaasta hoos loogu dhigo dumarka iyo caruurta ayaa waxay noqon doonta mid loo dhaafo waqtigeeda goorteeda .

 

Sidookale lama odhan karo banaanbaxani waa mid cid kale abaabushey balse wuxuu ahaa mid lagu muujiyeysida looga xunyahay shirqoolka iyo toban jeer dhimasahdfa lagu dheehan ka soo go’ayna waa mid taariikhda lagu dheehan doono marna noqon hebelo lagu eedeeyo

Alla Mahad Leh

by Maxamed Biid