Sunday, September 28, 2014

Xog Cusub Laga Helay Qaabkii Loo Fuliyey Dilkii Hogaamiyihii Al-Shabaab

Isku Daygii Kooxda Al-Shabaab Ee Badbaadinta Amiirkooda

Taxadirkii Iyo Waxyaabihii Aan La Saadaalin Kareyn Ee Axmed Goddane Ku Dhaqmi Jiray.

Halista Xadidaada Isgaadhsiinta iyo Taxadirka Goddane

 Muqdisho(Gobanimonews)-9-28-2014-Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo laga joogo muddo bilk u dhow, ayaa weli Warbaahinta Caalamku waxa ay helaysaa, isla markaana baahinaysaa xogo dheeraad ah oo la xidhiidhka abaabulka weerarkii lagu diley iyo qaabkii uu u noolaa hogaamiyahaasi saacadihii u dambeeyey ee noloshiisa.

 

Warbixin dheer oo ku qoran Luuqadda Ingiriisiga oo ay diyaarisay Idaacadda VOA, oo si mug leh loogu faah faahiyey qaabka dilkani u dhacay, ayaa warbixintan oo aanu idin soo turjunay waxa ay u qornayd sidan:

“Waxa ay aheyd wax yar ka dib markii 1 Septeber ee 2014-kii goor galabnimo ah saacadduna aheyd 5:30pm ay Axmed Cabdi Godane iyo Ilaaladiisii joojiyeen sida la sheegay gaadhigii ay la socdeen iyaga oo maraayey waddo dheer oo deegaanka Sablaale ee Gobolka shabeelada Hoose Koonfurta dalka Somalia.

Waxa jira Xogo is khilaafsan oo qaarkood odhanayeen Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab iyo Xubno uu hogaaminaayey ayaa maqlay Guuxa Diyaaraddaha aan waddaha la heyn ee Drones-ka Mareykanka,Xogo kale waxa ay leeyihiin mar horeba way joogsadeen markii ay guuxaha maqleen oo gaadiidkii way ka degeen waxa aanay iskaga nafiseen meel gaadiidka u dhaw oo ay ku cunaayeen cuntooyinka fudud sida Xabxabka iyo wax la mid ah,intaasi ka dib waxa jira mid aan laysku khilaafsaneyn oo ah ka dib markii ay maqleen Axmed Godane iyo Asxaabtiisi la socotay Guuxa Diyaaradda Drone-ka inay kala yaaceen isla markaana u fakadeen dhinaca Keynmaha oo ka ag dhawaa,balse waxa sida roobka si deg deg ah ugu bilawday markiiba Gantaalo ka imanaaya Diyaaraddaha Nooca Bilaa wadaha ah ee Drones-ka dagaalka iyo kuwo kale oo nooca Bambooyinka Xambaaro ah kuwaasi oo Bam iyo Gantaalo goobta ku waday muddo 20 Minute ku dhawaad ah.

Isku Daygii Kooxda Al-Shabaab Ee Badbaadinta Amiirkooda

Waxa goob Tuulooyin ah oo aan halkaasi ka fogeyn ka soo gurmaday koox ka mid ah Kooxda Al-Shabaab oo isku dayey inay badbaadiyaan balse ka cabsaday inay Weerarka hogaamiyahooda ku socda wax taraan maadama si weyn looga awood roona,waxa taasi sido kale u dheera inay Maleeshiyaadkii Kooxda Al-shabaab ee halkaasi ka ag dhawaa ay ku jaah wareereen cida gantaalaha la beegsanaysa Hogaamiyahooda Godane ee halkaasi sida sirta ah ugu socdaalayey arimo Amni awgeed, balse markii ay ugu dambeyntii goobta soo gaadheen waxooga ka dib waxa ay goobtii ka heleen Meydkii godane iyo laba kale oo saaxiibaddii ah oo meesha yaala oo meydkoodu 250 Meters u jira hadhaaga gaadiidkii ay wateen.

Ninkii Kooxda Al-Shabaab hogaaminaayey mudadda 7 sanno ku dhawaadka aheyd kaasi oo kooxdan Islaamiga ah siiyey awoodda ay Somalia oo dhan ku maamulaan kuna xidhay Shebekadda Caalamiga ah ee Al-Qaida, ayaa meeshaasi ku naf waayey waliba gacmaha cida wax yar ka dib loo aqoonsaday Gantaalo uu Mareykanku la eegtay Godane.

Sida lagu hayo Wareysiyo ka hadlaaya Godane saacadahii noloshiisa ugu dambeeyey oo ay bixiyeen qaar ka mid ah Madaxd maamulka gobolka dhinaca amniga Somalia iyo Xogo kale oo Idaacadda VOA-da laga soo xigtay waxa sida ay sheegeen inay dhamaan dilkii ka dib ay wacad ku mareen kooxdaasi cabsidii ugu weyneydna laga qabo inay kooxdan ugu khatarsan Maleeshiyaadka Somalia ka dagaalama ay ka aarsan doonaan waxana si caad ugu sheegay Idaacadda VOA-da Badhasaabka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur in Goddane Deegaankiisa Shabeele si joogto ah u iman jiray waxana uu yidhi “Muu aheyn ka kaliya balse sido kale Ajaanibka Al-Shabaabka ahi way wada jeclaayeen Deegaankan,sababtuna waa wax fudud oo dadka deegaankani waa dad nabada jecel iyaga oo dad       Taariikho kala duwan leh ah, waana Deegaan Qani ah oo Wabi iyo dhul balaadhan oo Beerato ah leh waana ay fududahay in laysku dhex qariyo waxa aan leeyahay umulina sida ay wax u og tahay uma sheegto anagu waanu ku daba jirnay oo sido kale Sirdoonka Caalamiga ahina waa uu ku daba jiray iskaashiga labada dhinac ayuumbeyna tani ku timid”

Taxadirkii iyo Waxyaabihii aan la saadaalin Kareyn ee Axmed Goddane ku dhaqmi jiray.

Dadkii aqoonta u lahaa Dhaqankii Axmed Cabdi Goddane waxa ay sheegeen in uu ahaa shaqsi Taxadir iyo Feejignaan badan marka ay noqoto dhinaca dhaq dhaqaaqa socdaalkiisa,waxa la sheega in ahaa nin gawaadhida uu isticimaalo aad u bed bedela oo had iyo jeer Ilaaladiisa ilaa 12 jeer Saddex Qabaa’iladda Somalida ka mid ah isku bed bedela mararka qaarna maa uu wada ka xasaysan jirin ilaaladiisa si uu uga taxa diro in aan iyaga la ftooda dareen isku dhawaasho ahi dhex marin,

Sida warbixinadda lagu sheego waxa la wariyey had iyo jeer Goddane uu bulshadda ka qarin jiray wajigiisa in la arko gaar ahaan marka uu magaalooyinka u kala safraayo ,mararka qaar waxa dhici jirtay in uu safafka hore iman jiray oo si la yaab leh uga soo muuqan jiray kulanadda Masaajidada isla markaana si dhakhso leh u Libdhi jiray,waa sida la sheegay.

Axmed Cabdi Goddane waxa uu si dhakhso leh u bed bedeli jiray goobaha uu ku sugan yahay waxa uu tegi jiray meel isaga oo meel kale si dhakhso leh ugu gooshi jiray ,waxana goobaha inta ugu badan ugu kala gooshi jiray goboladda Bay,Bakool,Jubadda Dhexe iyo Shabeelaha Hoose,balse sida la sheegay socdaalkiisii Baadiyaha ee Goboladda Somalia waxa ay meesha way istaageen Bilahii u dambeeyey iyada oo ay u sabab tahay taasi kooxdiisa Al-Shabaab oo dhul badan oo u muhiim ahaa lumisay labada gobo lee Shabeelaha Hoose iyo Bakool oo ay ka saareen Ciidamadda Afrikaan Amisson ee Ciidanka Somalia taageera.

 

Halista Xadidaada Isgaadhsiinta iyo Taxadirka Goddane

Marka ay noqoto dhinaca Aaladda Isgaadhsiinta warbixintu waxa ay sheegaysa in Goddane la socday Sirdoonka Ajaanibka ee Cidka iyo Gaadiidkiisaba ku daba jira,waxana la sheegay in uu ka taxadiri jiray ku hadalka Taleefanka ilaa iyo Bishii September ee sannadii 2009-kii xiligaasi oo heyd markii Ciidamadda Mareykanka ee U.S. Navy SEALs ay qaarajiyeen Saleh Ali Nabhan oo ahaa masuul si weyn loogu xidhiidhin jiray in uu door ka ciyaaray Qaraxyadii 1998-kii lagu qaaday East Africa kana mid ahaa hogaamiyayaasha Shebekadda Caalamiga ah ee AL-QAACIIDA ,balse waxa la sheegay in Goddane kaliya uu kooxdiisa kula xidhiidhi jiray Fariimaha laysku diro oo si gaar ah hogaamiyayaasha kooxdiisa si gaar ah ugu xidhiidhi jireen.waxana warbixinaddu xuseen in kasta oo si weyn ugu dadaali jiray amnigiisa Goddane hadana waxa iska jirtay Cabsi uu ka qabay in mar uu wax qaldami karaan oo dhib uga noqon karto iyada oo isla sannadkan la sheegay in Bishii 1aad uu mar ka badbaaday duqeyn diyaaraddaha Drones-ka ah Goddane .

Arinta cabsida ugu weyn ku haysay Axmed Cabdi Goddane ayaa warbixintu ku tilaantay inay aheyd $7 Milyan oo dollar oo dawladda mareykanku madaxiisa dulsaartay inay ku abaal marin doonto cid kasta oo soo sheegta meesha uu joogo Goddane inay heli doonto lacagtaasi taasi oo cabsi weyn ku haysay in mid ka mid ah dadka uu sida gaarka ah u aaminay inay khiyaameeyaan oo lacagtaasi darteed u shirqoolaan si ay abaalmarinta $7 Milyan ee doolar u helaan ,waxana taasi ka marag kacay dhimashadiisa ka dib mid ka mid ah nin dhinaca amniga falanqeeya oo VOA-da u sheegay in arinta dhacday sidaasi u eeg tahay waxana uu sheegay in meesha uu Goddane ku sugna ama gaadiidkii uu watay lagu tilmaamay Talefoonka gacanta ama qof dharkiisa ku qarsanaayey.

Maalmahii u dameeyey iyo Kulanaddii Goddane ee Shabeellaha hoose

Maalmihii ugu dambeysay ee Goddane uu ku socdaalo Shabeelaha hoose, ayaa lagu sheegay in uu kulano la qaatay qaar ka mid ah duqeyda iyo Beeraleyda deegaankaasi oo ay taariikhdu aheyd 30 /8/2014 waxana uu u sheegay inay garab istaagaan Jihaadka isla markaana gacmaha isku qabsadaan sidii ay jihaadka u geli lahaayeen,Goddane sidaasi ayuu u sheegay in kasta oo uu la socday in aanay wax ka badan dhinaca galbeed ka xigin 70Km Ciidanka Midawga Afrika oo ay horkacayaan Ciidamo dawladda Somalia ka socda kuwaasi oo laba jiho kaga soo beegna oo kala ah dhinaca Sablaale iyo dhinaca Baarawe labadaasi magaalo oo ay gacanta ku haysay Kooxda Al-shabaab.

Mid ka mid ah Saraakiishu waxa uu xusaayey in Goddane uu ka fikiraayey xiligaasi in uu tago meel guddaha u ah goobaha ay kooxdiisu ku xoogan tahay oo dhul cusub ah markaasi oo dagaalka lagaga faro maroojinaayey kooxdiisa meelo badani ay ku socotay xoga kalena waxa ay xusayaan in Goddane u bilaabayey sidii uu ugu soo dhaqaaqi lahaa Galbeed Waqooyi.

Xiligaasi waxa uu Goddane cagta soo saaray dhabaha ugu weyn ee galbeedka iyo Koonfurta isku xidha oo ilaa hada ay Koxodiisa Al-shabaab maamulaan,ilaa hadana Saraakiisha Mareykanku may shaacinin waxa ama cida ka caawisay inay dilaan Goddane,magaca goddane-na wixii imika la dambeeya maaha mid ku soo bixi doona Amaalmarin lagu bixiyo in sharciga la horkeeno in kasta oo wali magacyo kooxda Al-Shabaab hogaankeeda ka tirsan oo la aqoonsan yahay ay Liiska ku jiraan waxana jirta soo jeedino sheegaya in wali ay jiri doonaan duqeymo Diyaaraddaha Drones-ka Mareykanka oo Somalia ka sii wadi doona duqeynta.

Sources by VOA/Engelish+Wargeyska Saxansaxo

Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland