Xildhibaan (Gobanimonews) 6-9-2014-Cabdiqaadir Xasan Askar oo mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ka mida ahna Guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha wakiiladda,ayaa Wasaaradda Arimaha Guddaha ee Somaliland ugu baaqay inay sameyso xeerka kala xadeynta goboladda iyo degmooyinka dalka, si Wakiiladdu u sameeyo xeerka Caasimadda oo aanay suurto gal aheyn sameyntiisu ilaa laaga helo xeerka kala xadeynta goboladda iyo degmooyinka dalka oo Wasaaradda ku xidhan.
Guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiqaadir Xasan Askar oo ka mid ah xidhibaanadda golaha wakiiladda,ayaa Wareysi uu siiyey Wargeyska Saxansaxo,waxa uu kaga hadlay waxa hortaagan in golahoodu ansixiyo xeerka Caasimadda oo mudo dheer golaha horyaala kalfadhiyo dhawr ahna laga saaray,waxana uu arintaasi ku canaantay Wasaaradda Arimaha guddaha oo uu sheegay in aanay sameynin xeerkii kala xadeynta goboladda iyo degmooyinka dalka oo xeerkani u dabran yahay ilaa iyo xeerkaasi wasaaraddu ka sameysona aanay suurto geli doonin inay xeerka Caasimadda sameeyaan.
Md Askar oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “Xeerka Caasimaddu waa xeer muhiim ah oo ilaa la sameeyo Xeerka goboladda iyo degmooyinka dalka oo la ansixiyo Xeerka Caasimadda kaligii la ma sameyn karo,maxaa yeelay loo ma sameyn karo xad Caasimada hargeysa oo kaliya iyada oo aan goboladii iyo degmooyinkii kale xad loo sameynin,marka guud ahaana waxa ay aheyd Wasaaradda arimaha guddahu soo sameyso Xeerka ka muhiimsan xeerkan oo ah runtii Xeerka kala xadeynta goboladda iyo degmooyinka dalka oo marka xuduudaha la sugo goboladda iyo degmooyinka oo dhan,ayaa xeerka Caasimadda xadkeedu soo baxayaa oo ilaa xadka Caasimdadu soo baxana la ma sameyn karo xeerka caasimadda”
Guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiqaadir Xasan Askar oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Gobaladda cusub ee la kordhiyey iyo goboladda cusub ee kale iyo degmooyinka kale ee cusube la magacaabay oo kuligood waxa loo baahan yahay inay Wasaaradda arimaha gudduhu inta ay fadhiisato inay soo saarto xeerka kala xadeynta gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan oo ilaa xeerkaasi kala xadynta goboladda iyo degmooyinka la helo xeerka Caasimadu sidaasi ayuu ahaanayaa,waxa uu keenayaa khal khal oo goboladii iyo degmooyinkii isku khaldaaya oo xadka hargeysa waxa ay isku haystaan Gebiley waxa ay isku haystaan Salaxlley waxa ay isku haystaan Baligubadlle oo aan xad la heyn mid qudh ahi xad ma laha ee sideeba hargeysa oo kaliya xad loogu sameynayaa ,marka arinkaasi waa arin farsamo oo u baahan inay Wasaaradda Arimaha guddahu keento macquuliyadii keeni la heyd xeerka uu u dabran yahay xeerka Caasimaddu oo ah xeerka kala xadeynta goboladda iyo degmooyinka dalka oo marka la helo xadka Xeerka hargeysa,ayaa la sameyn karaa xeerka Caasimadda”
Sources By Wargeyska Saxansaxo
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
Gobanimonews/Hargeysa Office /Somaliland
