Aqoonyahanka Dhalinyarta Ah Ee Maxamed Khadar Daahir Oo Beeshiisu Murashaxnimadda Doorashadda Baarlamaanka Soo Socota Uu Xusheen
Murashax (Gobanimonews) 6-9-2014-dhalinyara ah oo u taagan doorashada baarlamaanka Somaliland ee soo socota laguna magacaabo Murashax Maxamed Khadar Daahir ,ayaa Beesha Koonfurta magaaladda hargeysa ee Gashaanbuur ee (Ciida-galle) ku soo bandhigeen.
Munaasibad shalay lagu qabtay huteel Ramad ee magaaladda hargeysa,ayaa lagu soo bandhigay Shaacinta Murashaxnimadda doorashada baarlamaanka Somaliland ee soo socota Murashax Maxamed Khadar Daahir oo Beesha Gaashaanbuur oo ka mid ah beelaha Koonfurta magaaladda hargeysa dega ee (Ciida-galle ),waxaana ka soo qeybgalay munaasibadaasi, guddida Beesha Gaashaan Buur,Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ,qaar Mucaaridka ka tirsan,Aqoonyahanka iyo ganacsato iyo dhalinyaro tiro badan.
Aqoonyahan Cabdinaasir Cabdilaahi (Cabdi Qeybe) oo ah Xoghayaha Beeshaasi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey sababta Beeshu ugu baahan tahay inay doorashadda soo socota ugu sharaxaan aqoonyahankan dada yare e Murashax Maxamed Khadar Daahir ,waxana uu xusay inay in badan ka fikireen oo tartan rag kale oo beesha ka tirsani ay la galeen oo uu ka soo baxay sidaasinaa uu ugu qalmo in loo sharaxo isaga doorashada Baarlamaanka Somaliland ee soo socota waxana uu cod ka qaaday salaadiintii iyo aqoonyahankii beesha gaashaanbuureed ee madasha iskugu timid si aqlabiyad ahna gacanta ayey ugu taageen inay murashaxnimada maxamed khaddar isku raaceen iyada oo Xoghaye Cabdinaasir sheegay in shirkan ka weyn beesha uu u qaban doono Murashaxu.
Caaqil Cabdiwali Jaamac oo ka mid ah Saladiinta Beesha Gaashaanbuur oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Marka hore waxa aan u mahad naqayaa dadka sharafta leh ee ganacsatada,Siyaaasiyiinta,Madaxdhaqameedka iyo dhalinyartaba leh ee sharaftay Marashaxa Beesha Gaashaanbuureed Maxamed Khadar Daahir,waxa aan inta ku dari lahaa Ilaahay ayaa ku mahad leh isku keenka dadkan shirka iskugu yimid ee isku danta ah ee iskugu yimid inay danahooda ka tashaddaan taas ayaan aad iyo ad ugu faraxsanahay waxaana aan ALLE uga baryayaa in waxa ay ku faraxsan yihiin ee ay isku raacsan yihiin oo ah Murashaxan ay isku raaceen ee dayarta aqoonyahanka ah in uu ku garab galo sidii uu u guuleyn lahaa oo tan murashaxa marka aan ka hadlo waxa aynu isku raacnay waxa weeyaan in aynaan dadka iyo dalkaba ka dhicin sow maaha,marka ay sidaasi tahay sow in aynu garab galo oo taageerno sow maahaa waxana aan leeyahay waan u duceynay oo ALLE ha aqbalo”
Murashax Maxamed Khadar Daahir oo ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Cuqaasha iyo guddida Beesha Gaashaan Buur,Masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsan iyo kuwa Mucaaridka ka tirsan,Aqoonyahanka iyo ganacsatadaba dhamaantiinba marka hore waan idin salaamayaa waxana aan idiinka mahadcelinayaa sida sharafta leh ee aad uga soo qeybgasheen marti qaadka qado sharafeedka ah ee aan halkan idiinku sameynay maanta,salaam ka bacdi aad ayaa lay soo wada eegayaa oo inta itaqaaney mooyaane inta kale malaha waxa ay leeyihiin ninka isharaxayaa ma ninkan yarbaa balse waxa aan idin leeyahay in la weynaado jidh ahaan uun maaha ee weynaantu waxa weeye xaga maskaxda in qofku noqdo qof mudo kar ah oo masuul ah”
Maxamed Khaddar waxa uu intaasi raaciyey “Marka waxa aan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dhamaan xubnaha beesha ee halkan fadhiya,runtiina sidii hore looga dhawaajiyey waxa la yidhi kulankani waxa uu noqday kulankii ugu balaadhna ee beeshu yeelato ama iskugu timaado marka horta sida ay niyadiinu u wada wanaagsan tahay ee aad halkan u wada timaadeen ee ii wada garab istaagteen waxa aan idiin balan qaadayaa in aan idiin noqon doono Adeec waayo waalidku waxa uu jecel yahay in uu Ilmihiisu u noqdo adeec ana in aan idiin noqdo adeec oo aan miiskii aad iigu yeedhaanba imaado oo wixii aad ii dirtaanba aan qabto oo hawsha aad ii dirtaanba aan idinkula dhinto oo hadii ay mudhka qadhaadhahay aan idiin dhexgalo taas ayaan idiin balanqaadayaa,waana run hawlaha goobaha Codbixinta waa laga hadlay anaguna waanu ka wada hadalay cuqaasha qaar wax aydaan ka raali aheyna ogolaan meyno,ugu dameyntii waxa aan idin leeyahay awal horeba idinka mid ayaan ahaa imikana idinka mid ayaan noqon doona hadii aynu doorashada ku guuleysano Ishaalaah”
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
Gobanimonews/Hargeysa Office /Somaliland
