Sunday, September 21, 2014

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo loo magacaabayo Agaasimaha NISA

TUURYAREMuqdisho(GNA)-Guddoomiyihii maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa si weyn loo hadal hayaa in loo magacaabo Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad sugida NISA, kaddib markii todobaadkii hore la eryay agaasimihii hore ee hay’adaas.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta si rasmiya u aqblay xil ka qaadista madaxii hore ee NISA mr. sabaloolshe, kaasoo reysal-wasaaruhu todobaadkii hore xilka ka qaaday, balse madaxweynuhu ku sii dhegsanaa, ka hor intaanu xalay isagoo aan shaqada haynin uu xabsiga ka sii daayay mid ka mida hogaamiyeyaashii dagaalka la galay ciidamada howlgaladii hub ka dhigista ee Muqdisho ka socday bishii la soo dhaafay.

Sarkaalka loo wado NISA

Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare oo hada ah guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada, ayaa horey uga soo shaqeeyay Hay’adaha Sirdoonka iyo nabad-sugida, waana nin takhasuskiisa koowaad uu yahay xagga sharciga, balse tababaro iyo korsooyin kala duwan ka qaatay baadhista dambiyada, oo uu ku shaqeeyay.

 

Col. Tuuryare 2005- Wuxuu Shahaadada Heerka Koobaad ee Jaamacadda amba Bachelor degree ka qaatay Jaamacadda Muqdisho oo ow Cilmiga Qaanuunka iyo Shareecada ka bartay. 2000- Woxow ka baxay Machadka Alcimra- Muqdisho 1993-1997- Woxow dhamaystay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Degmada Ceel-Dheer, Gobalka Galgaduud.

 

2008- Wuxuu Koorsa Sanad iyo Bar socotay kuna saabsanayd Sharciga Duulimaadyada Diyaaradaha (Aviation and reservation) ka qaatay Machadka Laasilki Al-Dowli ee Cilmiga Tiknoloojiyadda iyo Injineeriyadda oo ku yaala Magaalada Qaahira.

 

2009- Wuxuu Diplooma sare oo Sharciga ah Muddo 2 Sano ahna Barashadeedu socotay ka qaatay isla Akaadeemiyadda lasoo sheegay.

 

2011- Wuxuu Akaademiyadda sare ee Daraasaadka & Cilmibaarista oo hoostagta Jaamacadda Carabta kaqaatay Shahaadda Heerka Labaad ee Master Degree-ga oo uu ku takhasusay Qaanuunka, gaar ahaana Heshiisyada Caalamiga ah, asigoo Buugiisa Qalin-jebinta Master-ka oo 407 Beg ka koobnaay Cinwaan ugaga dhigay “ Heshiisyada aan isku dhigmin ee Soomaaliya ay la gasho Dowladaha kale iyo saameynta ay Mustaqbalka ku yeela karto Amniga Qaranka soomaalia”.

 

Col. Cabdiraxmaan waxa uu hada u sharaxanyahay qaadashada Shahaadada PhD oo uu ku diyaarinayo Xariirka Caalamiga ah, asagoo ka diiwaan-gashan Akaademiyadda sare ee Daraasaadka & Cilmibaarista oo hoostagta Jaamacadda Carabta, kuna taala Magaalada Qaahira ee Dalka Masar .

 

Xilalka uu soo qabtay Taliyaha Cusub ee Hay'ada Nabad Sugida Qaranka.

 

1-Taliyaha CTU” Counter Terrorism Unit” oo uu Laba Sano hayay

 

2- Taliyaha Hogaanka Xariirka Dibadda.

 

3- Taliyaha Hogaanka Baarista danbiyada

 

4- Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta oo ah Xilkii ugu danbeeyay ee uu ka haayay NISA

 

5- Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, woxow Darajada Ciidanka ka gaaray G/le sare (Full Colonel)

 

Khibradaha Shaqo & Aqoonta Ciidan

 

2002-2004: Wuxuu ka mid ahaa Macalimiintii Xisaabta iyo Luuqadda Carabiga ee Magaalada Muqdisho, isla xilligaasna woxow dhinaca Tababarada kala shaqayhaayay Ururada bulshada rayadka ah gaar ahaan daladihii la dhihijiray cogwo, inxa iyo ururka (justice watch association) JUWA.

 

2005-2006: Wuxuu la shaqa bilaabay Dowladdii Kumeel gaarka aheyd oo markaas fadhigeeru ahaay Jowher, woxowna ka shaqeyhaayay Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka- Xafiska Wasiirka- iyo Wasaaradda Qoyska & Arrimaha Bulshada.

 

2007- 2010: Wuxuu Madax u ahaay Urur Dhalinyaro oo la yiraa Somali Youth organization (SYO) oo kulmiyo Dhalinyaro Aqoonyahanno ah, kuwaas oo dhamaan Gobalada Dalka kasoo kala jeeday.

 

Ururkan SYO waxaa lugu aas-aasay Magaalada Qaahira, waxeyna Ujeedadiisu ahayd sidii Dhalinyarada wax-baratay looga looji lahaay Tahriibka, looguna dhiiri geli lahaay inay Dalkoora kusoo laabtaan, kana qayb qaataan badbaadinta Dalka iyo Dadka.

 

Koorsooyinka & Siminaarada

 

Wuxuu Simanaaro,Shirar, Koorsooyin & Tababaraba u tegay ilaa 17 Wadan oo Dibadda ah, kuwa kale oo ka badanna Gudaha Dalka ow ku qaatay, badankoorna waxay ahaayeen Arrima Amni, Maamul & kuwa Sharci.

 

Wali si rasmiya looguma dhawaaqin magacaabistiisa, balse hadal haynya Magaalada Muqdisho ka jirta iyo sida ay baahinayaan baraha warbaabintu, waxa loo badinayaa in sarkaalkaasi loo dhiibo Hay’adda nabad-sugida qaranka oo beryahan dambe shaqaddeeda la saluugsanyahay.

Col. Tuur-yare ayaa intii uu Maxkamadda Ciidanka joogay waxa lagu xasuustaa Xukuno dil ah oo toogasho lagu fuliyay dagaalyahano Alshabaab laga qabtay iyagoo fal gacmaha kula jira.

Waxaana dilkaasi yimi markii amar lagu soo saaray in goobta lagu toogto Nin alshabaab ee la qabto isagoo dagaal ku jira, maxkamadduna xukunto markiiba.

Hadii loo magacaabo xilkaas wuxuu waajahayaa cadaawad ka badan tii ay hore alshabaab ugu hayeen iyo shaqo ka badan tii uu hayay hadh iyo habeenba heegan ah.

Sida uu farayo waajibku, waxa looga baahanyahay inuu dib u dhis iyo tayayn ku sameeyo Ciidanka nabad-sugida iyo kuwa wardoonka gudaha iyo dibada ee qaranka, uuna howl-geliyo dad khibrad iyo aqoon u leh shaqadaas, oo aan gacan saar la lahayn Alshabaab.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com