Sunday, September 21, 2014

Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo xidhay dilkii labada sarkaal

Waxa loo xidhay 7 askari oo qaar saraakiil yihiin...

AskariiQorulugud(GNA)-Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee Jiida Maygaagle ayaa loo xidhay dilka Abaanduulihii iyo Hogaankii howl-gelinta ee Guutada 17-aad ee Ciidankaasi oo afar maalmood ka hor mid ka mid ah Ciidanku goor maqrib ah toogasho ku dilay.

Nin ka tirsan Ciidan dhawaan laga qarameeyay deegaanka Qorulugud ayaa toogasho ku dilay fiidnimadii Arbacada, Maxamed Yuusuf Aw-rabaax oo ahaa abaanduulihii Ciidanka Qaranka ee guutada 17-aad iyo Jaamac Bidaar oo ahaa isna hogaanka howl-gelinta.

Ninka dilka geystay oo ka hor intaanu toogashada samayn u xidhnaa Anshax marin ciidan, ayaa ka baxsaday xerada uu ku xidhnaa, iyadoo aan ilaa hada gacanta lagu dhigin, isla markaana uu u baxsaday Magaalada Buuhoodle oo 25KM u jirta xerada ciidanka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland oo ku sugan jiida dilku ka dhacay ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in falkaasi loo xidhay shan askari oo isugu jira, kuwii heeganka ku jiray, askarigii uu qoriga ka dulqaatay iyo qaar kale oo la tuhunsanyahay inay u fududeeyeen fulinta falkan.

Warar kale oo madaxbanaan oo la xidhiidha xadhiga askarta falkaasi loo qabtay ayaa sheegaya inay tiradoodu dhantahay 7 askari oo saraakiil ku jiraan, kuwaasoo dhamaantood loo soo dhaadhiciyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada dalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Milateriga Somaliland oo la xidhiidha dhacdadan oo cadho weyn ka abuurtay deegaamada ay labada sarkaal ka soo jeedaan.

Maalintii shalay ayaa waxa Magaalada gabiley ka dhacay Mudaharaad balaadhan oo looga soo horjeedo dilkaasi, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac bilaysku gaadhsiiyeen dad rayid ah oo waddooyinka isugu soo baxay.

Saraakiisha Ciidanka Somaliland ayaa sheegay inay adagtahay in la soo qabto Askariga dhagarta geystay ee baxsaday, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa maleeshiyo beeleed laga qarameeyay deegaanka qorulugud sanadihii la soo dhaafay.

Magaalada Boorama oo uu ka soo jeedo sarkaalka howl-gelinta ahaa ee Dhintay ayaa iyadana laga dareemayaa guux iyo diidmo looga soo horjeedo sida uu falku u dhacay iyo dhayalsiga dawladda.

Dhacdadan ayaa maalmahan oo dhan si weyn looga hadal hayaa Magaalooyinka Somaliland, khaasatan Hargeysa oo xarunta dawladda ah.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com