Sunday, September 21, 2014

Ciidanka Xeebaha Somaliland oo helay Gantaal Diyaaraddeed oo badda ka soo caaryey

Waxa kale oo ay sheegeen inay heleen Baad diyaaradeed

taliska xeebaha Hargeysa(GNA)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland sareeye guuto Axmed Aw Cismaan, sheegay inay ciidanku ka heleen Gantaal iyo walxo kale oo ka soo caariyay xeebta Waqooyiga ee Degmada Ceel-sheekh.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sharaxaad kaga bixiyay nooca hubka ciidanku qabtay.

“Waxa ay maanta ciidanka Ilaalada Xeebuhu heleen ee badda ka soo caariyay waxay u egyihiin ama uu yahayba waa gantaal,waana gantaalaha ay diyaaradaha ugu waaweyn ee dagaalku qaataan.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray isagoo sii sharaxaya qalabkan milateri ee ay heleen ciidankiisu “Gantaalkan dhararkiisu waa 8 mitir baladhkiisuna waa hal mitir iyo toban senti mitir ayaanu ku qiyaasnay,markay ugu badato muddo yar oo kooban oo ilaa sideed cisho ah ayuu badda ku jiray.

waxaa kale oo la socda oo aanu agtiisa ka hellay dabo yar oo baal diyaaradeed u eeg oo ah ta leex leexata marka diyaaradda isteerinkeeda la duwayo,waxa kale oo aanu samaynay in aanu ood ku wareejinay oo aanu dadka ka agdhaw uga dignay una sheegnay in ay ka durkaan oo ay ka fogaadaan meesha hubka laga helay.”Gantaal

Taliyaha Ciidanka Somaliland, ayaa sheegay inay khubaro u dirayaan qalabkaasi si baadhis dhamaystiran loogu sameeyo.

“Waxaanu u diraynaa khuburo baadhitaan ku soo samaysa oo soo caddaysa isla markaana baadhitaan buuxa ku soo sameeya gantaalkanina waa gantaal aan qarxin oo uu ku jiro wixii qarxayay eek u rakibnaa.”

Ciidanka Ammaanka Xeebaha Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn uga howl-gala jiidaha xeebta oo dhan, waxaanay heegan ugu jiraan isku day kasta oo amniga waxyeello ku ah oo xeebaha ka soo gelaya dalka.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com