“Marka keliya ee aanu cid xukuumadda ka socota aragnaa waa xiliyadda ay doorashooyinku jiraan markaasi ayay na soo maraan, oo ay weliba been noo sheegaan, oo ay na yidhaahdaan wax baanu idiin qabanaynaa. Oday Aadan C/laahi Wacay,
Dhaymoole(GNA)- Odayaasha iyo wax-garadka ku dhaqan tuullada Dhaymoole ee ka tirsan degmadda degmadda Laas-dacawo ee gobolka Saaxil, ayaa ka dayriyay xaaladda nololeed ee dadka iyo ta deegaankaasi gaar ahaana dhinaca beeraha oo uu deegaankaasi caan ku ahaan jiray.
Waxaanay sheegeen in aanu gebi ahaanba ka jirin tuuladaasi waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka sida biyaha, caafimaadka, waxbarashadda iyo waxyaabaha la midka ah, waxaanay tilmaameen in aanu sidoo kale jirin haba yaraatee wax garaar ah oo ay ka helaan am aka soo gaadhay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah midnaba.
Wax-garadka iyo odayaasha tuuladda Dhaymoole ayaa sidan u sheegay xubno ka socday ururka Samo-falka ee Dhaymoole oo ay wehelinayeen weriyeyaal ka socday warbaahinta madax-banaan ayaa todbaadkan socdaal ay ugu kuur-gelayeen xaaladaha nololeed iyo duruufaha ka jira oo ay ku soo mareen degmadda Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil iyo tuulooyinka hoos yimaadda, sida Dhaymoole, Bureeqa iyo dhulka miyiga ah.
Oday Aadan C/laahi Wacay, oo ka mid ah odayaasha ku nool tuullada Dhaymoole oo xubnahaasi isugu jiray saxaafadda iyo ururka Dhaymoole u sheegay in aanay deegaankani ka jirin waxyaabihii nolosha dadka aasaasiga u ahaa, isla markaana ay jiraan abaaro iyo biyo la’aan is-biirsaday oo la dersay dadka ku nool deegaankaasi.
Waxa kale oo uu tilmaamay Oday Aadan C/laahi Wacay, in aanu jirin haba yaraatee cid ay wax gar-gaar ah ka heleen haddii ay ay tahay dawladda Somaliland ama hay’adaha kale ee wax caawiya, waxaanu sheegay in dugsiga keliya ee ay tuuladaasi leedahay uu bilaa jiin gad yahay muddo dhawr sano ah ka dib markii ay jiingaddii ka qaaday dabayli. Isaga oo xusay in dugsigaasi markii horeba ay iskaa wax u qabso ku dhiseen dadka deegaanku oo aanay jirin cid ka caawisay.
Aadan C/laahi Wacay, oo ka mid ah odayaasha ku nool tuullada Dhaymoole oo ka waramayay dhibaatooyinka kala duwan ee dadka deegaankaasi haysta, waxa uu yidhi “Nolosha aduunyadda ee uu qofka bani’aadamka ahi ku noolaan karaa waxay ka kooban tahay afar shay, biyo ayaa u koow ah, biyo mala deegaankani, ta labaad waa caafimaaadka, xarumo caafimaad-na kama jiraan. Wax kale oo kaalmo ahina ma jirto oo ama dawladda Somaliland ka soo gaadha ama hay’ad ka soo gaadha ama meel kale ka soo gaadhaa ma jiro, weligeed tuuladdani ma helin. Tuuladdani Dhaymoole iskuul malaha, caafimaad malaha, dhinaca iskuuladda iskuul yar ayaa halkaasi ku yaalla oo hoose, markii la dhisayay dadka tuuladda ku nool ayaa iyagu dhagaxaanta gacmahoodda ku soo ururiyay, markaas ka dib ayay hay’ad ayaa sideed kun oo dollar ku darsatay, Waxa kale iskaa u qabso ayaa lagu dhisay. Weliba imika afar sanadood fasaladu way dul banaanaayeen, oo dabayl ayaa jiingaddii ka qaaday, in badana waanu ka dacwoonaynay wax maga caawiyana ma hayno. Waraaqo badan oo aanu ku dacwoonay aniga ayaaba gacantayda ku qoray. Deegaankani cid ayaa ka masuul ah, dawladda hoose ee degmadda Laaso-dacawo ayaa koow ka ah iyo wasaaradda tacliinta ee Somaliland, midnaba waxba kama hayno maayarka magaaladu wu og yahay, waanu kala hadalnay waxna kama uu tarin” ayuu yidhi oday Aadan.
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa weeyi halkan dadkeedda cidi ma eegto, illahay ayuunbay leeyihiin, haddii ay cid wax u qabata helayaan waanu u baahan nahay, horta mararka qaar tuuladani wax way lahayd, laakiin imika wax alaale iyo wax ay leedahay ma jiraan. Marka aad ka soo bilawdo ilaa dawladdii hore ee Soomaaliya ilaa tan imika joogo wax aanu ka helnay ma jirto, wax caafimaad ahna Berbera ayaa ugu dhaw, meel yar oo daawooyin la dhigaa ma jiraan, Bixin, Laaso ilaa Daray-godle ma jiraan meel daawo laga helayaa, haddii ay gabadhi foolato dhiig-bax ayay u dhimataa, haddii qof dhaawac gaadha dhiig-bax ayuu u dhintaa, gaadhi lagu qaado ma leh, gaadhiga Berbera laga doonaa goorma ayuu soo gaadhayaa. Weliba waa qofkii ay cidi u joogto ee la hadla, ka kale wuu iska dhiig-baxayaa”.
Waxa kale oo uu sheegay odaygani in mar keliya ee ay cid ka socota dawladda Somaliland ay arkaan ay tahay marka ay jiraan doorashooyinku, kuwaasi oo uu sheegay in ay u sheegaan been ah in ay yidhaahdaan wax ayaanu idiin qabanaynaa, hase yeeshee aanay arrimahaasi waxba ka hir gelin. “Waxa keliya ee aanu cid xukuumadda ka socota aragnaa waa xiliyadda ay doorashooyinku jiraan, ama ta madax-tooyadda ha noqoto ama ta baarlamaanka ma noqoto, markaasi ayay na soo mar-maraan, oo aanu aragnaa, oo ay weliba been noo sheegaan, oo ay na yidhaahdaan wax baanu idiin qabanaynaa. Mararka qaarna waxaa dhacda in ay hay’ado yimaadaan oo wax naga qor-qoraan oo ay yidhaahdaan waxbaanu idiin qabanaynaa, laakiin meel ay marto lama arko. Waad aragtaan imika meeshani abaar ayaa ka jirta, abaartaasi ay xoolihii ku dhamaadeen wixii socon karayayna meelahaasi ay roobabku ka de’een ayaa lola guuray, dooxyaddii dur-durka ahaan jiray way dhamaadeen, oo waad aragtaan oo way qalalan yihiin, cid timaadda ama dawlad ha ahaato ama cid kale ma jirto. Xaggii beeraha iyo wax-soo saarkii imika aad ayuu u liitaa, abaarta iyo biyo la’aanta ayaa saamaysay, waanad aragtaan oo way qalaleen, meel wax laga qato ma leh. Ceelashana biyahoodii hoos ayay u dhaceen markaa cidna waxba ma beerato, cid wax kala qabatana ma haystaan dadku oo inta ay dube iyo shiinne ku garaacayaan ayaabay ku dhimanayaan oo kama bixi karaan taasina. Caawimo ama gar-gaar ay cid kale ka helaana ma jirto. Dadka xoolihiina way ka dhamaadeen ama waabay iska yar yihiin cidii ay wax u joogaan, dadka badan koodu waxay ku noolaayeen beeraha, boqolkiiba labaatan beeray weeyi, markaa dadka deegaankani imia xaaladoodu way liidataa, wax ay hayaana ma jirto” ayuu yidhi Aadan C/laahi.
Oday Aadan C/laahi, ayaa ugu dambayntii waxa uu baaq u diray dawladda Somaliland, qurba jooga u dhashay deegaankaasi iyo hay’adaha caalamiga ahba in ay gar-gaar la soo gaadhaan dadka deegaankaasi ee ay dhibaatooyinka kala duwani haystaan. Waxaanu yidhi “Waxaan baaq u dirayaa dadka qurba jooga ah ee deegaankani u dhashay, waxaanan gaadhsiinayaa fariin ah in ay dadkooda hos u soo eegaan, oo haddii ay caafimaad uga gar-gaari karaan ay wax u qabtaan, waxbarasho haddii ay tahay iyo biyahaba iyo meelaha kaleba sidaas ayaan gaadhsiinayaa dadka qurba jooga ah eek a soo jeedda dhulkani. Abaartaasi imika jirta waa in ay dadkooda ka soo caawiyaan, in aad fariintaasi gaadhsiisaan ayaan idinka codsanayaa, haddii ay dawlad tahay iyo qurba joogaba iyo haddii ay ha’ad tahay am acid kale oo gacan siin karta dadkani dhibaataysan, sidaas ayaan ka codsanayaa”.
Dhinaca kale, Tuulada dhaymoole oo ka mid ah meelaha taariikhiga ah ee ka tirsan dalka Somaliland,isla markaana ah meeshii u horeysay ee laga dhiso iskuul gobolkii loo yaqaanay waqooyi galbeed, hase yeeshee wakhtigan la joogo aanu wax dugsi ahi ka jiran.
C/raxmaan Ismaaciil Xasan oo ku magac dheer (Kabashaagle)oo ka mid ah odayada deegaankaasi ayaa isna ka waramaya taariikhdii hore ee ay lahayd Dhaymoole iyo sida ay wakhtigan logo tahay. Waxaanu yidhi “Haddii aan kaaga waramo taariikhda tuuladdani, Togaasi wuu dur-duri jiray imika wuu gudhay, wuu socon jiray gu iyo jiilaal-ba, dhulka libaax ayaa jogi jiray oo dadku wuu ku yaraa, halkani wakhtiga beeraha laga dhigay wakhti fog ayay ahayd, baaderi ingiriis ah ayaa markii u horaysay degay oo iskuul ka dhigay, meel iskuul laga dhiso meeshii u horaysay ayay ahayd. Laakiin waxa ayaan darro ah in aanu maanta wax iskuul ahi ka jirin.”
Source: Wariye Axmed Macalin