
Weerarkan ayaa lagu qaaday Xarunta Tacliinta Sare ee magaalada Kano, waxayna dowlada Nigeria sheegtay in weerarkan ay ka danbeysay kooxda Boko Xaram.
Tan iyo dhamaadkii bishii Ramadanka ayey kooxda Boko Xaram bilowday weeraro joogto ah ay ku qaadeyso magaalooyinka ku yaal waqooyiga dalkaasi, waxaana kamid ah goobaha ay weeraraan xarumaha dowlada, militariga, iskuulada, goobaha lagu cibaadeysto iyo suuqyada waaweyn.