Thursday, September 18, 2014

Shacabka Scotland oo Maanta u Dareeray Codaynta Madaxbanaani Buuxda oo ay ka Qaataan Dalka UK

images(GNA)Waxaa maanta ka dhaceysa dhulka Scotland u codeynta madaxbanaanida iyo gooni isu taaga dhulkaasi oo hada kamid wadanka UK.

Hogaamiyaha maamulka Scotland Alex Salmon oo si weyn ugu ololeenaya gooni isu taaga Scotland ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo ay shacabka Scotland dib ugu hanankaraan madaxbanaanidooda.

In badan oo kamid ah Shacabka Scotland ayaa kasoo horjeeda siyaasada xukuumada fadhigeedu yahay London, waxayna doonayaan inay madax banaani buuxda helaan.

Scotland oo hada soo saarta Batroolka ayaa doonaysa inay kaligeed maamulato dhaqaalaha kasoo xarooda shidaalka dhulkaasi.

Raysalwasaaraha UK, David Cameron iyo Dowladiisa ayaa si weyn uga walaacsan ololaha gooni isu taaga Scotland waxayna sidoo kale olole ka galeen magaalooyinka waaweyn si shacabka aysan u taageerin gooni isu taaga.

Qaar kamid ah shacabka Scotland ayaa doonaya inay kasii mid ahaadaan Britain iyo UK, iyagoo ka cabsi qaba hadii Scotland gooni u go’ado inay arrintaasi hoos u dhac ku keento dhaqaalaha dalkaasi iyo waliba shaqooyinka oo hoos u dhaca